Gudoonka Baarlamaanka DFS oo codka kalsoonida u qaadi doona Xukuumada cusub Maalinta sabtida
January 14, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoonka Baarlamaanka ee DFS ayaa si rasmi ah u sheegay in maalinta sabtiga ee soo socota codka kalsoonida loo qaadi doono Xukuumada cusub ee uu dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Gudoonka Baarlamaanka ee DFS oo kulan ku qaatay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Gudiyada Joogtada Baarlamaanka ay isla meel dhigeen oo ay isku af garteen in maalinta Sabtiga soo socda codka kalsoonida uu baarlamaanka DFS u qaado golaha wasiiirada Cusub ee DFS.
Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka DFS ayaa sheegay in Gudoonka uu go’aan ku gaaray in maalinta Sabtida ee soo socota ay xukuumada cusub ay yimaadeen golaha shacabka si xildhibaanada ay cod ugu qaadaan.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka DFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa codsi u diray dhamaan xildhibaanada DFS wuxuuna ugu baaqy in ay ka soo qeyb galaan dhamaantood kulanka baarlamaanka maalinta sabtiga .
Xildhibaanada DFS ayaa ku kala aragti duwan Xukuumada Cusub ee uu dhawaan uu soo dhisay Raisulwasaaraha DFS waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegeen in aysan codka kalsoonida siin doonin Golaha wasiirada ee uu soo dhisay dhawaan Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
A/Cawale
Halgan.net