Ha ku raalli noqon Rasuulkaaaga la aflagaaddeeyay inaadan u hiilin W/Q Sh Cabdi Qani Qorane

January 17, 2015 - Written by Editor

maqaalGaroowe:-Ha ku raalli noqon inaad ku sheekeysatid hebel baa ka hadli doona iyo qolo helbaayaa wax ka oran doonta iyo maxay qolo heblaayo uga hadli la’yihiin.Haddii aad qoraalkan akhrin kartid, adigoo waliba aaminsan nabiga s.c.w. xil ayaa ku saaran, wax weyna ayaadna qaban kartaa.

Adduunka inta la joogo waajibaadka la inaku faral yeelay intooda badan qof qof ayey inoo saaran yihiin, aakhiro marka la tagana Ilaahay qof qof ayuu inoo wareysanayaa.

Laguma weydiinayo muxuu hebel kale wax u qaban waayay iyo hadduu wax qabtay sababtuu u qabtay haddaadan howsha uu qabtay adigu sabab iyo qeyb midna ka ahayn.

Waxaa lagu weydiin doonaa adigu maxaad qabatay haddii lagaa rabay qabashada howl aad wax qaban kartay ama ka joogsashada howl aysan ahayn inaad qabatid.

Ha ku raalli noqon in hawshani ku dhaafto adigoon hadal wanagsan ka oran, ama ka qorin.Ha ku raalli noqon inaad nasiino meel isaga fadhidid adigoon falin camal Ilaahay ka farxiya, caksina ku ah aflagaaddada nabiga s.c.w. loo geystay.

Ha ku raalli noqon inaad ka hartid muslimiinta tirada badan ee nin walba doonayo si karaankiisa u qalanta inuu ku inkiro munkarkan lagula kacay qofkii ugu sharaf iyo maamuus badnaa inta Ilaahay abuuray.

Xorriyadda hadalka ee loogu xadgudbay nabigaaga mid lamid ah ayaad adiguna leedahay ee xorriyaddaada hadal si xaq ah uga faa’iideyso.

Haddii kuwa nabiga caayay ay yihiin shayaadiin xaqdarro ku hadashay, haku raalli noqon in xaq ku hadal la’aantaadu kaa dhigto shaydaan aamusan.

Ha ku raalli noqon markii berri Alle ku weydiiyo maxaad u qabatay rasuulka lagu xadgudbay inaad jawaab weydid.
Dooro jawaabta saxda ah, dooro iimaankaaga, dooro diintaada, diidnay dheh duullaanka qaawan ee diintaada ku wajahan.
Hadal ku dheh
Heello ku dheh
Howraar ku dheh

Hoobaale ku dheh
Hal-abuur ku dheh
Qalin-horaad ku dheh
Heemaal habsamiliyo
Higgaad barad sidiisii
Hiddiwaale ruux qaba
Himilada ku noolee
Ku hiwaayadaysoo
Haashaar u sheegsheeg
Magaciis ku heellee
Sidii ruux hawaawiray
Holganaanta lagu dhigay
Heerrimaadda uu qabo
Uga hiili hootada
Dayaciyo hantaaqada
Ha ku eegan haramyada
Heedtajoogga hororkaa
Huuraalayaasha mirirsane
Huunyada ka liitaa
Ceebaha hullaabani
Salligoo halgaadiyo
Sunnadiisa hodankaa
Hilinkiisa toosani
Hanuunkiyo ilayska leh
Magaciisa haybada
Hibashadu ku idishahay
Ku hiraaqi siirada
Hadafkood ha lumiyeen
Halki ay rabeeniyo
Surinkii ha waayeen
Halaaggood ha raadsheen
Geeri ha u shallaayaan
Abidkoodna yey helin
Ilaahow ammaan oo nabad gali nabigeenna, xabiibkeenna iyo hoggaamiyaheenna Muxammad ah, ehelkiisa, asxaabtiisa, atbaacdooda iyo intii wanaag ku raacda tan iyo qiyaamaha.

Sh Cabdi Qani Qorane
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online