Hay,ada gargaarka SAAD dib u furtay ceel biyood mudo badan ciladaysanaa (Masawiro)

January 6, 2015 - Written by Editor

SAM_9915Jigjiga:-Hay,ada gargaarka iyo horumarinta deegaanka somalida itoobiya ee SAAD ayaa dib u furtay ceel wayn oo riig ahaa ee mudo sanad ahba ciladaysanaa

Ceelkan ayaa wuxuu ku yaalada agagaarka tuulada harre oo ka tirsan dagmada jigjiga waxaana ka faa,idaysan jiray bulsho aad u badan oo ku nool miyiga dagmada jigjiga gaar ahaan tuulada harre .

Wafdi uu horkacayay maareeyaha hay,ada SAAD ee jigjiga mudane maxamed ayanle daahir kana mid yihiin xubno ka tirsan waaxyaha biyaha,warbaahinta iyo loojistikada hay,ada SAAD iyo xafiiska biyaha iyo waliba injineerkii dayac tiray ceelka injineer carab xusen ayaa shalay galab socdaal tijaabo ah ku gaadhay ceelkan.

Ceelkan oo halkii il biriqsiba soo tuuraya 7ltr oo biya ah ayaa waxaa la filaya in uu dabooli doono baahida biyood ee dadka iyo duunyada ku dhaqan tuuuladaas iyo agagaarkeedaba.

no images were found

Bulsho aad u tiro badan oo ka soo qayb gashay tijaabadii ceelka ayaa farxad iyo mashxarad ku soo dhaweeyay wafdigii ka socday hay,ada SAAD iyo xafiiska biyaha ee dagmada jigjiga.

Waxaa maalmahan soo socda la filaya in ceelkan si rasmi ah xadhiga looga jari doono laguna wareejin doono xafiiska biyaha ee DDSI .

Hay,ada gargaarka iyo horumarinta SAAD
Jigjiga
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online