Jaamacada Bariga Afrika Faraca Qardho oo soo bandhigtay Laab Computer cusub [Masawiro]
January 28, 2015 - Written by EditorQardho:-Laab kan cusub ee ay yeelatay Jaamacadda Bariga Afrika faraca magaalada Qardho soona bandhigeen Maamulka jaamacadda ayaa waxa uu ka kooban yahay agab compute oo isug jira computero Desktop oo casri ah, laab toobyo iyo tuulalka loo isticmaalo furfurida qalabka Computerada iyo Net wor ka.
Maamulka jaamacada oo ka warbixiyay qalabkan cusub ee isugu jira noocyada kala duwan in ay ugu tala galeen laab ka computer ka islamarkaana wax wayn ka bedeli doono baahiyaha ardada sidoo kalana ay ka faa’iidaysan doonaan dhamaan ardada dhigata qaybaha kala duwan ee jaamacada wuxuuna siwayn u anfici doonaa buu yiri gudoomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda Qardho Sh.Cali Maxamed Cali Ardayda dhigata kuliyada computer Science ka iyo cellegue hoos yimaada jaamacada
Maalgalinta iyo furitaanka Laabkan cusub oo ku qalabaysan computero casri ah ayaa waxa uu imaana yaa ka dib markii jaamacada ay si rasmi ah ugu wareegtay gurigii ay ku wareejisay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland.
Sidoo kalena jaamacadda ay ogaysiisay dhamaan bulshada ku nool magaalada Qardho inay u fureen kuleej hoos imaanaya jaamacada kuleej kaas oo lagu baran doono ama ka kooban Diplom computer Science ah, Diplom Maamulka iyo maaraynta ah iyo Diplom Comunity Developement ah.
no images were found
Halgan.net
Qardho