Ka qayb qaado Masjidka Abuubakar ee laga hirgelin doonno degmada Burtinle[Masawiro]
January 21, 2015 - Written by EditorBurtinle:-Waxaan walaaladda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, ugu baaqaynaa inay ka qayb qaataan dhismaha Masjidka ABUUBAKAR ee laga hiir gelin doonno degmada Burtinle,walaal dhismaha masjid kaan wax uu ka mid noqon doona kuwa ugu weyn ee laga hirgelin doono degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.
Walaalayaal nabigeena xabiibkeena sallalaahu-calleyhi -wasallaam wuxuu leeyahayوفي الصحيحين أن النبي صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قال: مَنْ بَنَى مَسْجِدًا يَبْتَغِي بِهِ وَجْهَ اللَّهِ بَنَى اللَّهُ لَهُ مِثْلَهُ فِي الْجَنَّةِ (Qofkii Dhiso masjid asigoo ula jeedo allaah dartii Allaahne waxa uu guri ugu dhisaa Janada ).
Su aaal ?!! Ma Dooneysaa in uu Allaah guri kaaga dhiso Janada ?
Jawaab: Haaa haaa-qofkastoo mumin ah Jawaabtiisa waxay noqoneysaa ma Qof aan dooneyn ayaa jira in uu allaah subxanahu watacaalaa uu guri ugu dhiso janada so mahan sababta aan u dukanaayo somahan sababta aan allaah ugu cabsanaayo. Walalayaal allah subxanahu watcalaa wuxuu nagu yawoohayaa in aan ka qeyb qaadano dhismaha masajidaha alle.
Waa sadaqo jaariya ah, sida nabigena SCW ka sugan!
فعَنْأَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ مِمَّا يَلْحَقُ الْمُؤْمِنَ مِنْ عَمَلِهِ وَحَسَنَاتِهِ بَعْدَ مَوْتِهِ عِلْمًا عَلَّمَهُ وَنَشَرَهُ، وَوَلَدًا صَالِحًا تَرَكَهُ، وَمُصْحَفًا وَرَّثَهُ، أَوْ مَسْجِدًا بَنَاهُ، أَوْ بَيْتًا لِابْنِ السَّبِيلِ بَنَاهُ، أَوْ نَهْرًا أَجْرَاهُ، أَوْ صَدَقَةً أَخْرَجَهَا مِنْ مَالِهِ فِي صِحَّتِهِ وَحَيَاتِهِ يَلْحَقُهُ مِنْ بَعْدِ مَوْتِهِ. رواه ابن ماجه وحسنه الألباني
Waa camal aan kaa go’aynin, oo kuu socda adigoo nool iyo haddii aad dhimataba, adigo qabriga ku jira.
Waxaad kale oo wax ugu dari kartaa waalidkaa haddii uu nool yahay, iyo haddii uu dhintay,markaa walaalayaal, waa fursad-qaali ah, ee halaga faa’iideysto oo Ilaahay aktiisa wax hala dhigto walaal Ma ogtahay in maalka aad hadda bangiga ku heyso ama guriga dhigtay in aadan ku waareyn laakin haddii aad sadaqo masjidka kaga bixiso waad la waareysa lacagtaada jaa’izo kan ugu qiimaha badan Boqorka adduunkane sub-xanahu watacaalaa bixinaayo ayaad ku heleysaa .
Masjidka cabirkiisu waxuu dhan-yahay 40m X 40m ,sidoo kale,waxaan walaalaha aaan awoodin in ay lacag ugu qeyb-qaataan masjidka waxaan ka codsaneynaa in ay walaalahooda ku guubaabiyaan dhismaha masjidka amaba in ay waqti-kasto ducada nagu kaalmeeyaan in uu allaaah masjidkan inoo dhameestiro insha alllaah .
Fadlan nagula soo xiriiir guddi-ga ku howlan dhismaha masjidka oo uu aas aaskiisu hadda billow-yahay.
1- Sheekh C/nuur Axmed-Tel: 00252907749010
2-C/wali Abshir Budeeye-00252907792080
3- Siciid Cumar Xuseen -00252907718888
Account sahal ama Taaj express : 425807
Account amal express : 0705-04-54984-01
no images were found
——
Iimaan Maxamed Jaamac
Works at Journalist
Gaalkacyo,Puntland Somalia
Tell-+252907786856
E-mail:Deegaan1994@gmail.com,or Deegaan1994@yahoo.com
Twitter:Iimaan Maxamed Jaamac
Facebook:Iimaan Maxamed Jaamac