Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-hudaa oo looga hadlay Difaacida sharafta Nabi Muxammad NNKH.[Masawiro]

January 30, 2015 - Written by Editor

DSC07286Garoowe:-Masjidka Al-huddaa ee magaalada Garoowe oo ay ku soo tukadeen Salaadii Jimcaha in ka badan 5-boqol oo qof ayaa khudbadii Salaada looga hadlay aflagaadadii loo gaystay nabi Maxamed (SCW) waxaana lagu sheegay qudbada in aysan dacaayadaasi aysan waxba u dhimi doonin saamayntii uu Rasuulka (SCW) ku yeeshay Calamka oo idil.

Sh C/Qani Qorane oo khudbada akhrinayay ayaa hadaladiisa ay qayb ka ahayeen in la adkeeyo Sunnada Nabiga lana xoojiyo ku dayashadiisa iyadoo cidi wax ka sheegta ay iyadu dhib wayn ku qabto, wuxuu ka dalbaday shacabka Muslimiinta ah in Diintooda ay adkaystaan kana dhowrsonaadaan dhagarta uga imaanaysa xaga reer galbeedka.

Khudbada ayaa sidoo kale lagu xusay in umada Muslimiinta Qaasatan kuwa Soomaaliyeed ay xooga saareen xaga Siyaasada Ganacsiga iyo hawlaha Dunida taana ay sababtay in ku dhaqankii diinta Islaamka uu yaraado iyadoo ay fasahaadayaan Ubadkii yaryaraa Haweenkii lana qabsadeen dhaqamada reer galbeedka.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii wargays laga leeyahay France uu Aflagaadeeyey Suubaneheena Maxamed (SCW) Taasoo sababtay in dhamaan Caalamul Islaam laga koco lagana caroodo Talaabada qaldan oo ay gaaladu kula kacayaan Rasuulkeena Maxamed (SCW).

no images were found

Waxaa diyaariyey Al-minhaaj.
Faafin Halgan.net.

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online