Kooxda Daacish oo Mar kale weerarka Afka ah ku qaaday Al-Qaacida iyo Mulla Cumar (Akhriso)

January 7, 2015 - Written by Editor

aymanWargeyska Daabiq oo ay soo saaraan kooxda Daacish cadadkiisii 6aad ayaa waxaa lagu weeraray hogaanka sare uu Ururka Al-Qaacida iyo qaar ka mid ah wadaada la dhacsanaa Fikirka Al-Qaacida.
Wargeyska Daabiq ayaa waxaa uu ku soo baxaa luqada Ingiriiska waxaana soo saara Kooxda Daacish ,Cadadka 6aad ee Waregeyska Dabiq ayaa wajiga ka feyday xaqiiqada dhabta ah ee kooxda Daacish.

Cadadka Lixaad ee Wargeyska Daabiq ayaa waxaa uu ka koobnaa 63 baal waxaana cadadkan si gaar ah loogu weeraray hogaanka Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahir ,Sh Usman Bin ladin ,Hogaanka Ururka Dhaalibaan Mulla Maxamed Cumar iyo wadaado kale .

Cadadka lixaad ee Wargeyska Daabiq ayaa maqaalada lagu weeraray hogaanka Al-Qacida iyo Mulla Cumar waxaa soo gudniyey  Abu Maysarah Ash-Shami wuxuuna wareysi la yeeshay Abu Jariir oo sheegay in lala xiray Abu Muscab Al-Zarqawi waxaana sidoo kale aan waxba loola reeban laba wadaado oo la kala yiraahdo Al-Nadari oo ah madaxada sare ee Ururka Ansaar Al-Shareeca waxaana lagu eedeeyey in uusan gaaleysiin kooxda xuutiyiinta uuna ka garab dagaalamay Murtadiinta Yemen sidoo kale waxaana daaqada ay daacish kala baxday wadaad ay magaciisa ku soo koobeen Al-Harari.

Maqaalka koowaad ee Wargeyska Dabiq ayaa waxaa cinaaw looga dhigay (THE QA,IDAH OF ADH-DHAWAHIRI ,AL-HARARI,AND AN-NADHARI, AND THE ABSENT YEMEN WISDOM) oo macnaheeda uu yahay carabi ahaan قاعدة الظواهري والهراري والنظاري، والحكمة اليمانية المفقودة
Wargeyska Daabiq ayaa waxaa uu ku sifeeyey Al-Nadari wadaad dhagar badan sida Al-Jowlaahi Khabiith ah sida Harari war badan sida Sh C/laahi Al-Shaami isana badal badan sida Dr Ayman Al-Dawaahir.

Wargeyska Daabiq ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Al-Qaacida iyo hogaankeeda waxaan ka mid ah eedeymaha ay u soo jeediyeen:-
1- In Al-Qaacida ay ka garab dagaalantay Murtadiinta Suuriya iyo Yemen.
2-In Al-Qaacida ay allle raxmo u weydiisay Cumalada dowlada Sacuudiga ee ah Murtadiin iyo Dhawaaqiid oo ay ula jeedaan geeridii hogaankii Kooxda Axraar Al-Shaam raximahumaal oo ay Al-Qacida ka tacsiyeysay.
3-In Al-Qaacida aysan Sharciga alle ku xukumin Afgaanistaan.
4- In Al-Qaacida aysan sixin Caqiidada Umada ayna Khilaaftay Manhajka Al-Suna Waljamaaca !
5- In Al-Qaacida ay taageertay Kacdoonka shucuubta Carabta ama wax afka Carabiga lagu yiraahdo (الربيع العربي)
Wargeyska Daabiq ayaa waxaa uu ku tilmaamay Manhajka Sh Usama Binladen Raximahulaah mid Irjaa,i ah oo aan gaaleysiin Shiicada.
Wargeyska Daabiq ayaa waxaa kale oo weerar afka ah ku qaaday Abu Maariya Al-Qaxdhaani oo ka mid ah hogaamiyaasha ciidanka ee Jabahada Al-Nusra waxay ku sifeeyeen mid fitnoole ah oo kiciya Jabhada Al-Nusra.
Maqaalka Labaad Wargeyska Daabiq ayaa waxaa cinwaan looga dhigay (قاعدة وزيرستان، ونظرة من الداخل”) wuxuuna qoraaga maqaalka sheegay in Al-Qaacida 11 September ka hor ay Al-Qaacida Manhajkeeda uu ahaa mid inxiraafsan isaga oo ku eedeeyey in aysan Shareecada Islaamka ku dabiqin deegaanada ay heysatay .

Wargeyska Daabiq ayaa ku sifeeyey Ururka Dhaalibaan Pakistaan iyo Dhaalibaan Afgaanistaan kooxo Qomiyad ku saleysan.waxaana ay ku sheegeen Mulla Cumar Amiirka Ururka Al-Dhaalibaan mid munxarif ah oo lunsan.

Wargeyska Daabiq ayaa sidoo kale weerar ku qaaciyey Abu Maxamed Al-Maqdasi iyo Abu Qataada Al-Falastiini iyaga oo ku sifeeyey wadaado lunsan umadana luminaya .

Koox Daacish ayaa waxay juhdi weyn ku bixisaa in ay dicaayad dhinac walba ku furto Ururka Al-Qaacida iyada oo taageerayaashoodu ay ka alifeen risaalooyin tiro aan lahay oo meel daran ka ridaya Al-Qaacida iyo Hogaankeeda.

Daacish ayaa Rido ku xukuntay Hogaanka Axraaru Shaam waxaana ay khaarajiyeen saraakiil sare oo ka tirsan Jabhada Al-Nusra oo ka tirsan Al-Qaacida .

no images were found

Qaar ka mid ah taageerayaasha Al-Qaacida ayaa markii uu soo baxay Wargeyska Daabiq cadadkiisa 6aad waxaa ay sheegeen in Wargeyska Daabiq iyo afkaarta laga buuxiyey ay hordhac u tahay gaaleysiinta Al-Qaacida .

Wargeyska Daabiq ayaa sidoo kale waxaa lagu soo daabacay wareysi ay la yeesheen duuliyii Urduniga ahaa oo kooxda Daacish gacanta ugu jira.iyo warar kale oo ka hadlaya deeganada ay Maamusho Daacish iyo Caalamka.

Dr Abdala Al-Muxeysiin oo ka mid ah wadaada la dhacsan Al-Qaacida ayaa si adag uga hadlay weerarka uu Wargeyska Daabiq ku qaaday hogaanka Al-Qaacida iyo Mulla Cumar waxaan uu ku qoray bartiisa Twitterka cataab dheer ka dib .

“وصفت مجلة دابق عالمين من علماء الإسلام، صقلتهم السنين وطحنتهم السجون، وعركتهم التجارب وملئوا أرفف المكتبة الجهادية، وصفوهم بالأئمة المضلين!! مجلة دابق تقول إن حركة طالبان قومجية!! وأن قاعدة ابن لادن والظواهري فيها إرجاء!
Dr Abdala Al-Muxeysiin ayaa waxaa uu hadalkiisa ku soo khatimay “ستتمحض الصفوف وسينقى الصف الجهادي من الغلاة لتجتمع الكلمة، وحينها يأتي نصر الله وتحرير مسرى نبيه، أما شق الصف، فهي مما نعترف به للدولة فقد استطاعت شق صف الشام واليمن والقوقاز وليبيا، فويل لهم من ديان يوم الدين، ويل لهم من رب العالمين“.

Dhowr mar oo kale duwan ayaa waxaa lagu faafiyey baraha lagu wada xiriiro codad iyo muuqaalo ay leeyihiin wadaado ka tirsan Daacish oo gaaleysiinaya kooxha Islaamiyiinta ee dagaalka kula jira dowlada nuzeyriga ee Bashaar Asad.
Halkan ka Akhriso Wargeyska Dabiq Cadadkii 6aad oo ku qoran Afka English ka

Kooxda Daacish ayaa maalmo ka hor faafisay Muuqaalo ay ku sheegtay kooxo Takfiir ah oo ay sheegtay in ay gaaleysiinayeen hogaanka Daacish balse waxaa is qaban weyday Gaaleysiinta Daacish kooxda islaamiyiinta iyo leynta Saraakiishooda  gaar ahaan Jabahada Al-Nusra oo Al-Qacida ka tirsan waxaana dadka qaar ay qabaan in Daacish ay isticmaasho Tuqyo iyo been Abuur si ay u rido hogaanka Al-Qaacida.

Kooxda Daacish ayaa waxaa ay ku doodeysaa in Amiirkooda Abu Bakar Al-Baqdaadi uu yahay Khilaafada Muslimiinta cidii aan beyco la galina ay tahay koox Falaago ah waxaana ay khilaaf ka dhex abuurtay kooxo ka tirsanaa Al-Qaacida kuwaas oo ku kala sugan dunida.

Waxaa kale oo wax lala yaabo ah  in Afaheenka kooxda Daacish uu aad u aami jiray Hogaanka Al-Qaacida iyo Amiirka Dhaalibaan Mulla Cumar oo ay Al-Qaacida ku sheegi Jirtay Amiirul Muminiin.

Hoos Ka Dhageyso Abu Maxamed Cadnaani oo Amaanaya Hogaanka Al-Qaacida iyo Mulla Cumar.

Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa sidoo kale sheegay in Dr Ayman Al-Dawaahiri iyo Al-Qaacida ay Inxiraafeen Halkan ka Dhageyso Afhayeenka Daacish oo ku dhagan Al-Qaacida.

Dagaalka iyo Dicaayada dhanka Iclaanka ee u dhexeeya Al-Qaacida iyo Daacish ayaa maraya meel aad u sareysa waxaana arinkaas ka dheehan kartaa markaad akhriso baraha lagu wada xiriiro ama Muntadayaadka kala taageersan laba kooxood oo aan wax badan ku kala duawaney dhanka leynta iyo Gaaleysiinta cid walba oo diidan Fikirkooda.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online