Kooxda Shiicada xuutiyiinta oo la wareegay xarunta Madaxtooyada dalka Yemen.

January 20, 2015 - Written by Editor

 xutiYemen:-Kooxda Shiicada Xuutiyiinta ayaa gabi ahaan la wareegay xarunta Madaxtooyada ee dalka Yemen ka dib markii saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dalka Yemen oo daacad u ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ay gacan saar la yeesheen Xuutiyiinta.

Saleh al-Jamalani Taliyaha ciidamada ilaalada  madaxtooyada dalka Yemen ayaa u xaqiijiyey warbaahinta caalamka in kooxda Shiicada Xuutiyiinta oo ay gadaal ka riixayaan Xisbiga Mutamarka Al-Shacbii ee Cali Cabdalla Saalax ay la wareegeen oo ay afgambiyeen dowladii Yemen.

Taliyaha ciidamada ilaalada  madaxtooyada dalka Yemen ayaa sheegay in xiligii weerarka ay ku qaadeen kooxaha Shiicada ee Xuutiyiinta xarunta Madaxtooyada dalka Yemen uusan mdaxweynaha dalka Yemen Cabdurab Mansuur Haadi  uusan ku sugneyn xarunta.

Taliyaha ciidamada ilaalada  madaxtooyada dalka Yemen Jen Saleh al-Jamalani ayaa sheegay in kooxda xuutiyiinta ay  bililiqo ku hayaan madaxtooyada dalka Yemen isaga oo khiyaamo ku tilmaamay Inqilaabka ka dhacay dalka Yemen mar uu wareysi siiyey warakalada wararka ee AP.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online