Maamulka Degmada Luuq oo sheegay in uu isku dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

January 15, 2015 - Written by Editor

luuqLuuq:-Wararka naga soo gaaray Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq ayaa sheegay in shalay uu isku dhiibay Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee  degmada Luuq Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cismaan Sheekh Maxamed.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq, Siyaad C/qaadir Maxamed oo saxaafadda  la hadlay ayaa u xaqiijiyey in uu isku soo dhiibay Sarkaalka tirsanaa Al-shabaab isaga oo wada qoriga AK-47 iyo booshadahiisa.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq, Siyaad C/qaadir Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal isku soo dhiibay uu ahaa Taliyihii Ciidanka Al shabaab ee ka dagaalamaaya Degmada Diinsoor.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq, Siyaad C/qaadir Maxamed ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidanka Dowladda cid walba oo isa soo dhiibtana ay soo dhaweyn doonaan.

Ma jiro ilaa hadda masuul a tirsan Al-shabaab oo ka hadlay sheegashada Saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo ay ku sheegteen in Taliyihii Ciidanka Al shabaab ee ka dagaalamaaya Degmada Diinsoor uu isku soo dhiibay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online