Machadka Diiniga ah ee Deegaanka Ceegaag iyo xaalada waxbarasho. [Masawiro/Video]

January 9, 2015 - Written by Editor

2 [Max Width 1024 Max Height 768]Ceegaag:-Magaalada Ceegaag oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa ay ku talaabsatay horumar wanaagsan oo dhiac walba ah waxaan ay magaalada Ceegaag kaga beegan tahay dhinac Koonfur Galbeed una jirtaa 120 KM magaalaada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

magaalada Ceegaag ayaa waxaa ku yaal goobo badan oo waxbarsho oo iskugu jira kuwo lagu barto Shareecadda islaamka halka kuwa kalena lagu barto Maadiga, Magaalada Ceegaag ayaa maanta waxaa lagu daahfuray Mac-had Al-Imaan oo wax lagu barto waxaan la aasaasay sanadkii tegay ee 2014.

Mac-had Al-Imaan ayaa waxaa lagu bartaa Shareecada Islaamka waxaana Machadkii 38 aad ee laga barto Culuumta Shareecada Islaamka , ee hoos yimaadaa Machadka wayn ee Al- furqaan .

Furitaankii Mac-hadkan oo ay ka qayb qateen Culimada iyo waxgaradka Gobolka Sool ku nool Gobolka Sool , Sh Axmed Maxamed Saleebaan, ayaa lahaa dhagax dhigga iyo Furitaanka Macadkan, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay xafladda lagu furay Mac-hadka culimo aad u badan oo uu ka mid yihiin :-

1. Sh. C/naasir Xaaji. Axmed.

2. Sh: C/waaxid Xaashi guddoomiyaha Hay’adda Samafalka ee AL-MANHAL.

3. Sh: Yuusuf Haybe Maamulaha Machadka AL-FURQAAN.

4. Proff: C/risaaq Lafoole oo guddoomiyaha jaamacadda NUGAAL.

5. Sh Yuusuf Haybe Ibraahim oo ah Maamulaha Machadka Al-furqaan ee Laascaanood .

Ardayda hadda wax ka barata Machadkani ayaa ah arday badan (157) Arday oo isugu Jira Inamo iyo Habo, Waxaana wax laag bartaa afar Xilli , Wuxuu ka kooban yahay dhismahaan ay iska kaashadeen Jaaliyada Dibada ee Ceegaag iyo Hay’ada Samafalka ee Manhal lix fasal, Xafiis, Suuliyo, Berked, iyo Masjid weyn oo ku dhex yaalla Dhismaha Machadka .

Sh Maxamed C/Qani Macalin Faarax oo ah Maamulaha Machadka ayaa ka waramay xaalad Machadkani uu ku Sugan yahya , iyo Waxyaabaha Machadka Lagu Barto wuxuu Sheegey Maamuluhu in Machadku uu yahay Mid Hormar badan ku tallaabsaday intii uu Shaqaynayey .

no images were found

Hoos ka Daawo Machadka Diiniga ee magaalada Ceegaag ee Gobolka Sool

Mawliid Isma Haradigeed
Ceegaag, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online