Madaxwaynaha Puntland oo xariga ka jaray wado cusub oo laga dhisayo Garoowe.[Masawiro]

January 3, 2015 - Written by Editor

52 Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-1-2015 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland xariga kaga jaray wado cusub oo laami ah, wadadaasi oo loogu magac daray Allaha Unaxariiste Wasiir Dawlihii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland  Prof. Cabdi Xassan Jimcaale.

Wadadani waxa ay kamid tahay 7-wado oo magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo weliba Gaalkacyo, kuwaasi oo laqorsheeyey sanadkii tegay in laga hirgeliyo, kana mid ahaa waxqabadka xukuumada ee sanadkii tegay iyo weliba fulinta balan qaadyadii Madaxweyne Gaas.

Dhabadan maanta la daah furay ayaa waxaa maalgalisay hay’adda TIS-DAI oo la kaashanaysay hay’adda kaalmada maraykanka ( USAID), wadadan oo dhererkeedu yahay 1.100 mtr ayaa dhismaheeda waxaa ku guulaysatay shirkada Puntland Conistraction Company oo ah shirkad wadani ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ayaa sheegay in wadadaani ay muhiim u tahay isu socdka dadka iyo ganacsiga, isagoona shacabka reer Puntland ku booriyey in ay ka shaqeeyaan ilaalinteeda si aysan dhibaato iyo burbur u soo gaarin.

‘’ Waa muhim in dalka meel walba laga hirgeliyo wadooyin noocaan oo kale ah maadaama ay  wadooyinku muhiim noo yihiin meel kasta hala joogo magaalo iyo miyiba, waxaana iska saaraynaa xil gaar ah ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Waa bilic u soo korortay caasimada Puntland ee Garoowe,  waana lagama maarmaan in la ilaaliyo wadadaan lagana ilaaliyo wax kasta oo waxyeelo ugaysanaya, maadama ay tahay wanaag soo korortay ‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

31-Julay 2014 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas dhagax dhigay wadadaan oo kamid noqonaysay wadooyinka laamiga ah ee ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

no images were found

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online