Madaxwayne Gaas oo Madaxtooyadda ku qaabilay wafdi ganacsato Ajnabi ah.[Masawiro]

January 28, 2015 - Written by Editor

9Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-1-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaaran oo Chinays ah isuguna jira Ganacsato, maal gashadayaal caalami ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa weftigaan si diiran ugu soo dhaweeyey xafiiskiisa waxaana ay Puntland u yimaadeen sidii ay uga samaysan lahaayen maalgashi caalami ah, maadama uu madaxweyne Gaas balan qaaday in gudaha Puntland uu keenayo maalgashadayaal caalami ah si Puntland ula jaanqaado wadamada horumaray.

Mudada ay joogaan Puntland ganacsasada iyo maalgaliyaashan caalamig ah waxaaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta wasaaradaha Puntland si iyana ay ugu soo bandhigaan fursadaha ganacsi ee ka banaan Puntland.

Kullan qado sharaf ah oo madaxweyne Gaas uu u sameeyey masuuliyiintaasi ayaa waxaa uu ka dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga fuliyaan maalgashi caalami ah, ganacsigooduna uu noqon doono mid ay kawada faa’iidaysan doonaan dhammaan shacabka reer Puntland .

Dabayaaqadii sanadkii tagey ee 2014 ayuu madaxweyne Gaas balanqaaday in Puntland uu keenayo sanadkan cusub ee 2015 ganacsato iyo Maalgashadayaal caalami ah iyo shirkado ganacsi oo waaweyn, imaanshiyaha ganacsatadantana waxaa ay qeyb ka tahay fulinta balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynuhu.

no images were found

 -DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online