Madaxweynaha DFS oo beri Muqdisho ku soo dhoweynaya dhigiisa Turkiga.[Masawiro]
January 22, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu beri dalka ku soo dhoweeyo Madaxweynaha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Socdaalkan ayaa noqo nayaa kii labaad ee Madaxweyne Erdogan ku yimaado dalka Soomaaliya, iyadoo safarkiisii ugu horeeyey uu ahaa sannadkii 2011, isagoo markaasi ahaa Raiisul Wasaaraha Turkiga.
Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona wadahadalo la xiriira iskaashiga labada dal, kuwaas oo diiradda lagu saari doono barnaamijyada horumarinta ee Turkiga ka wado Soomaaliya iyo arrimo kale oo waddanka waxtar u leh.
Madaxweyne Erdoğan ayaa booqan doona qaar ka mid ah mashaariicda Turkiga uu maalgeliyo, ka hor intaanu dhameysan socdaalkiisa.
Dhamaad
Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha
Daud Aweis ,Muqdisho