Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galey Shir Madaxda Midowga Afrika

January 30, 2015 - Written by Editor

xasan-Addis Ababa:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaa ka qeybgaley shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Kulankan aan caadiga ahayn ee madaxda IGAD oo ahaa kii 29aad, ayaa waxaa si weyn looga hadlayey sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Jamhuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Dagaalka ka socda Koonfuurta Suudaan ayaa u dhexeeya Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore Riek Machar. Waxaana uu bilowdey bishii December sannadki 2013kii.

Madaxda waddamada IGAD ayaa gebagabadii kulankaasi muhiimka ah go’aansadey in dib la isugu soo laabto maalinta Sabtida oo la filayo in natiijooyin ay ka soo baxaan. Labada nin ee is haya, Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo Riek Machar ayaa kulan madaxeedkaasi ka hor kulan fool ka fool ah uu dhexmarey.

Shir madaxeedkan IGAD ayaa ka mid ah shirarka barbar socda kulan madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo dhacaya 30-31 bishan.

DHAMMAAD
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online