Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo Shirka Jiraa’id ku qabtay Muqdisho (Dhageyso)

January 10, 2015 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul ku tilmaamey qabsoomidda shirka wasiirada arrimaha dibedda ee waddamada ururka IGAD oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Shirkan waxaa uu ahaa imtixaan dunida ay ku eegeyso kartideena, waxqabadkeena iyo inaan dib u soo ceshan karno kalsoonidii beesha caalamka ay nagu qabtey, Ilaahayna wuu nagu guuleeyey oo imtixaankii wan ku najaxney” ayuu yiri madaxweynaha oo xafiiskiisa kula hadlayey saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa sheegey in ka guul gaarista qabsoomidda shirkan ay ka dhalatey iskaashiga dowladda iyo shacabka, taageerada dadka la’aanteedna aysan suuragal noqon lahayn in la qabto hawshan baaxadda weyn leh ee sharafta u soo hoysey dalka Somalia.

“Waxan aad ugu hambalyeynayaa shacabka, dulqaadka ay muujiyeen intii ay socdeen hawlaha shirka iyo qabanqaabada intaba. Intaa kadib in shacabka waxaa la gudboon inay muujiyaan kalsooni ah inay wax walba oo wanaagsan , horumarna u keeni kara waddanka ay qaban karaan, isla mar ahaantaana ay iska dhegatiraan dacaayadaha cadowga oo danta laga leeyahay ay tahay in shacabka lagu niyad jebiyo” ayuu raaciyey Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka xusuusiyey in xalka mashaakilaadka dalka ka jira uu ku jiro gacanta shacabka, isla markaana xal shisheeye aanu dawo noqon karin.

Isagoo ka hadlayey arrimaha siyaasadda ee dalka madaxweynaha waxaa uu xusey in si habsami ah ay u socdaan hawlaha dalka looga hirgelinayo nidaaamka federaalka, kaas oo sal u noqon doona mustaqbalka siyaasadda Soomaaliyada cusub ee dimoqraadiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqey shacabka in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira, isagoo dhanka kalena saxaafadda ugu baaqey inay ka qeyb qaadato nabadeynta iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyntii, shirka wasiirada arrimaha dibedda ee IGAD oo maanta soo xirmey ayaa qodobada ugu muhiimsan ee ku xusnaa war murtiyeedka waxaa ka mid ah in shirka soo socda ee madaxda IGAD uu ka dhaco Muqdisho, lana sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya.

—Dhammaad—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Tel: +252 (0) 617663466
Email: daweis@presidency.gov.so

Halkaan Hoose ka dhageyso Shirka Jiraa’id ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/khabmbvvj3/madaxweyne_xasan.mp3]

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online