Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Aaska boqor Cabdalla
January 24, 2015 - Written by EditorRiyadh:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaana uu Madaxweynaha ka qeyb galay aaska boqorkii dalka sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa socdaalka uu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya waxaa ku weheliyey Sii-hayaha wasaarada Cadaalada ee DFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo sii hayaha wasaarada Difaacada Jeneral Maxamed Sheekh.
Waxaa kale oo socdaalka Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka tirsan labada gole ee DFS .Aaska Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla ayaa waxaa ka soo qayb galay madax badan oo ka socota dalalka Islaamka.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugnaan doona laba maalin magaalada Riyadh halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono madax ka tirsan Boqortooyada .
A/Cawale
Halgan.net