Madaxweynaha Jubbaland oo daahfurka shirka dhismaha baarlamaanka Jubaland
January 20, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta daah furay shir gogol xaarka u ah dhismaha Baarlamaanka Jubbaland kaas oo maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)ayaa khudbad kooban ka jeediyey shirka dhismaha baarlamaanka Jubaland wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay ka taageeraan soo xulista xildhibaanada Jubba Land.
Madaxweynaha Jubba Land ayaa sidoo kale xaqiijiyey in xildhibaanada Jubba Land laga soo wada xuli doono dhamaan beelaha iyo deegaamada sadexda gobal ee Maamulka Jubba Land.Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaanada lagu soo xulayo qaab beeleed iyo deegaamada uu ka kooban yahay maamulka Jubbaland ee saddex gobal ka kooban.
Shirka dhismaha baarlamaanka Jubaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socda beesha Caalamka kuwaas oo ay ka mid yihiin Kuxigeenka Wakiilka Midowga Africa,kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ,Wakiilka Midowga Yurub ,Ergayga IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Affey, safiirka itoobiya u fadhiya Soomaaliya iyo wakiilo ka socda DFS.
Cabdi Yare
Kismaayo