Madaxweynaha PL la kulmay madaxda Hay’addaha UN-ka ee ka howlgala gudaha Puntland.[Masawiro]

January 21, 2015 - Written by Editor

IMG_1352Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-1-2015 kullan madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula qaatay Madaxda Hay’addaha UN-ka ee ka howlgala gudaha Puntland.

Kullankaan oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax.

Muhiimada shirka ayaa ahaa xoojinta iskaashiga wada shaqeyn ee ay hay’adahaasi la leeyihiin dawladda Puntland iyo sidookale soo bandhigada waxqabadkoodii sanadkii tagey ee 2014 iyo qorshayaasha horumarineed ee u dagsan sanadkaan cusub ee 2015.

Mudadii uu socday kullanka ayaa waxaa la is dhaafsaday su’aalo ku aadan waxqabadka hay’adahaasi ka fuliyeen Puntland iyo hadii ay jireen wax caqabada ah oo ka hor istaagay shaqadooda, balse waxaa ay cadeeyen in ay san jirin wax dhib ah oo ay la kulmeen, shaqadoodana ay u wateen sidii loogu talagalay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxda hay’adahaasi ku booriyey in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda waxqabad islamarkaana ay adeegooda si siman oo cadaalad ah u gaarsiiyaan guud ahaan gobolada Puntland gaar ahaana deegaanada laamiga ka baxsan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa isna dhankiisa kula dardaarmay madaxda Hay’addaha UN-ka in ay ku dadaalan bixinta canshuuraha waajibka ku ah.

Kullankaasi ayaa ugu dambeyn ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, waxaana ay dhankooda balan qaadeen in ay dardar gelinayaan howlaha horumarineed ee ay kawadaan guud ahaan Gobolada Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email :plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online