Madaxweynaha PL oo ganacsatada Gobolka Nugaal iyo maamulka dawlada hoose ee Garoowe ka gudoomay 4 gaari.[Masawiro]

January 31, 2015 - Written by Editor

IMG_2557Garoowe:-Ganacsatada Gobolka Nugaal oo soo ajiibay baaqi madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato ayaa maanta si rasmi ah madaxweynaha ugu wareejiyey saddex gaari oo ay ugu talagaleen in looga shaqeeyo amniga Gobolka Nugaal iyo gaari wiisha oo degmada Garoowe iyana bixisay.

Xafladda ay ganacsatadaasi ku wareejinayeen gawaaridaas oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Wasiiiro katirsan xukuumada Puntland , Ganacsato , Saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in talaabadan wanaagsan ee ay maanta qaadeen ganacsatada Gobolka Nugaal ay jawaab cad u tahay sida dadka reer Puntland diyaar ugu yihiin in ay isku tashadaan.

” Waxay arrintaani jawaab u tahay halhayskeeni ahaa Puntland ha isku tashato, waxana ay qiraal u tahay sida dadka reer Puntland diyaar ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan amnigooda, Nabad gelyadooda iyo horumarinta dalkooda” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

” Mashaariic intaan ka waaweyn oo weliba buundooyin iyo wadooyin leh ayaanu isku tashanay oo weliba ku guulaysanay, marka aad bay u mahadsan yihiiin ganacsatada reer Nugaaleed jawaabta ay ka jawaab een codsigii dawladdu ka codsatay in ay ka qeyb qaataan amnigooda ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka reer Puntland ugu baaqay inay hiil iyo hooba ciidankeena la garab istaagaan una muujiyaan wada shaqeyn buuxda si ay uga guulaystaan cadowgooda.

”Maanta wixii ka dambeeya umaleyn maayo in ay jiri doonto marmarsiinyo dambe oo ciidanka booliska Nugaal sheegi doonaan, sababtoo ah wax walba oo aanu isleenahay waad ku kabteen waa ay u dhan yihiin maanta ama gaadiid ha noqoto ama wixii kale oo sharciga iyo kaldambeynta ah iyagana waxaa looga fadhiyaa in ay qabtaan shaqo wanaagsan ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaa kaloo booliska gobolka Nugaal looga fadhiyaa amaanadaa loo dhiibay ama gaadiid hanoqoto ama wixii kale oo ay noohayaan hanoqoto in ay xafidaan oo ay weliba ilaaliyaan, anana waan ku eegeynaa iyana dabcan waxa weeye qalabkii ay ku shaqeyn lahaayen waxaa looga fadhiyaa inay ilaaliyaan ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweye Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn furaha gawaaridaasi si rasmi ah ugu wareejiyey Wasiirka Amniga Puntland Xasan Aloore waxana uu sidookale wasiirku isna ku wareejiyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf, halka taliyuhuna uu ku wareejiyey furayaashii Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar Layli.

no images were found

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email: plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online