Madaxweynaha Puntland oo daah furay Garoonka diyaaradaha Ee Qardho (Masawiro)

January 17, 2015 - Written by Editor

IMG_0331Qardho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhud tahay 17-1-2015 safar shaqo ku tagay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Kar-Kaar.

Kadib markii ay gaareen Magaalada Qardho Madaxweynaha Dawlada Puntland iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, Odayaal dhaqmeed, maamulka Gobolka iyo kan degmada, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kala duwan.

Soo dhaweyn balaaran kadib ayaa waxaa Madaxweyne Gaas loo gudbiyey gudaha magaalada qardho isagoona xariga kajaray afar wado oo laami ah kana mid ah waxqabadka dawladda ee sanadkii tagay ee 2014.

Hirgelinta wadooyinkaas ayaa lacagta ugu badan ee ku baxday waxaa gacan weyn ka gaystay Dawladda Puntland, shacabka ku dhaqan degmada qardhana kaalin lixaadleh ayey ka gaysteen in la dhamaystiro dhammaan wadoyinkaasi.

Sidookale waxaa uu Madaxweyne Gaas islamaanta uu xariga kajaray Garoonka diyaaradaha Qardho oo ay dawladdu ku samaysay dayactir xoogleh si ay uga soo dagaan diyaaradihii soo caga dhigan jiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso inta laga dhamaystirayo dhismaha lagu bilaabay dhabada ay diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka diyaaradaha Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso.

” Waxaan rajeynayaa in shaqo badan uu noo qaban doono garoonkaan, waana muhim in horumarkiisu aynu sii balaarino si uu u noqdo garoon diyaaradeed oo si joogta ah looga so dago” Ayuu yiri Madaxweye Gaas.

” Garoonku sidii aanu maanta u furnay ayuu u furan yahay, waxaana rabnaa in uu kamid noqdo garoomada caalamiga ah ee Puntland ku yaala ”Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Odayaasha, Cuqaasha iyo qeybaha kala duwan ee ku dhaqan degmada qardho ayaa Madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayey la qaatay kullan qado sharaf ah oo ay u sameeyeen.

no images were found

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa markii uu soo gebagebeeyey safarkii shaqo ee uu ku tegay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar weftigii waxaa uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimada dawladda Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email: plpresidencymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online