Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay Xaflad lagu daah-furayey Dalladda Xarumaha Agoomaha Puntland (Masawiro)

January 20, 2015 - Written by Editor

gaasagoonGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-1-2015 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay Xaflad balaaran oo lagu daah-furayey Dalladda Xarumaha Agoomaha Puntland.

Munaasibadaan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay wasiiro katirsan dawladda Puntland, isimo, culimo’udiin, waxgarad, qaar kamid ah ardayda wax ka dhigata xarumaha agoomaha Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo ka socday bulshada rayidka ah.

Dallada Xarumaha Agoomaha Puntland oo ay ku midoobeen xarumaha Agoomaha ee Puntland ayaa waxaa ay xarumo mahoodu ku kala yaaliin Gobolada Nugaal, Mudug, Kar-Kaar, Sool Sanaag iyo weliba Ceyn.

Tirada Agoomaha ee kujira xarumahaasina waxaa ay tiro ahaan dhan yihiin 3,253 agoon, tirada wiilasha waa 2,060 halka Gabdhuhuna ka yihiin 1,193, waxaana ay helaan daryeel iyo waxbarasho dhamaystiran.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in laga shaqeeyo korniimada ubadka soo koraya gaar ahaan Caruurta agoomaha ah ee ku sugan guud ahaan Gobolada Puntland ee aan haysan Daryeel.

” Dadkaa wanaagaas tirada badan ka shaqeynayey hadana u dhabar adeegay abaal badan ayey naga mudan yihiin aad iyo aadna waan ugu mahadnaqaynaa, waana ku faraxsanahay in ay jirto cid aan dawli aheyn oo mas’uuliyada intaa tiro leeg korka saaratay” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Ilmaha agoonimada lagu soo koriyey waa in muhiimad gaar ah loo siiya waxbarashada, shaqo siinta laftigeedana waa in muhiimad gaar ah iyaga la siiyo ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

” Waxaan rajeynayaa in inbadan oo kamid caruurtaasi aabayaashood ay dhinteen iyagoo dalka difaacaya, marka hadii ayba dhinteen iyagoo difaacaya wanaageena iyo sharafteena in agoontii ay ka tageen la xanaaneeyo oo wax lataro waa wax weyn oo aynu samaynkarno ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas. 

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email :plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online