Madaxweynaha Puntland oo saaka socdaal shaqo ku tegay magaalada Qardho
January 17, 2015 - Written by EditorQardho:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka safar shaqo oo aan horay loo shaacin ku tegay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho waxaan odayaasha dhaqanka , siyaasiyiin maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ay uga hor tegeen wafdiga madaxwenaha duleedka magaalada , socdaalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay u jeedkiisa mid uu Madaxweynuhu ugu kuurgalayo mashaariic sanadkii 2014 laga bilaabay magaalada Qardho isagoo qaar kalena la filayo in uu xariga ka jari doona.
Socdaalka Madaxweynaha ee Qardho ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor ay dowladda Puntland iyo dowadda degaanka Itoobiya ay si wada jir ah uga fureen Kastam xadka u dhexeeya degmada Gal-dogob ee Gobolka Muduf iyo dowladda deegaanka Itoobiya, waxaa kale oo si xawli ah ku socda dhismihi garoonka diyaardaha ee Boosaaso waxaa kale oo dayactir ku socdaa Garoonka diyaaradaha
ee Qardho.
Socdaalka wafdiga madaxweynaha Puntland ee Qardho dib ayaan idinkaga faahfaahin doonaa insha Allaahu.
M_M_Deeq
Halgan.net