Madaxweynaha Puntland oo xalay xafladii Sanadguuradii koowaad ku soo bandhiga waxqabadka xukuumadiisa.[Masawiro]

January 9, 2015 - Written by Editor

IMG_6343Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kaga qeyb galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii loo doortay xilka madaxtinimo ee Puntland 8-dii Janaury 2014 sanadkii tagay.

Xafladdaan ayaa waxaa sidookale goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, dhammaan  masuuliyiinta saddexda Gole ee dawladda, madaxweynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi Cade, madax ka socotay beesha caalamka iyo dawladdaha dariska la’ah Puntland sida Ethopia.

Haween iyo dhalinyaro ku labisanaa dhar laga tolay calanka Puntland, kan soomaaliya iyo weliba hiddaha iyo dhaqanka, Fanaanka weyn ee Al-ustaad Axmed Naaji Sacad oo dalka dibadiisu uga yimi ka qeybgalka xafladaan, fanaaniinta kooxda waaberi Puntland iyo marti sharaf kale oo dal iyo dibadba iyana isaga kala yimi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii munaasibadaasi ka jeediyey khudbad dheer oo taariikhi ah ayaa sheegay in sanadkii tagay waxbadan u qabsoontay xukuumadiisa sida lagu soo bandhigay Documentary ay daawadeen dhammaan dadkii goobjooga u ahaa xafladaan iyo weliba dadweynihii kala socday talafishinada iyo idaacadaha oo si toos ah u tabinayey xafladaasi.

”Waxaan rabaa in waxqabadkayaga ugu horeeya ka dhigno dhamaytirka wixii aanu bilownay 2014-kii, oo ay ugu horeeyaan isabadaladii aanu wadnay, dib u habaynta waxna waad aragteen, waxaa ugu horeeya waxaa weeye isbadalkii in aanu ku samayno shaqaalaha dawladda, ujeedadana waxa ay ahayd dawladnimada waxaa saldhig u ah haykalka dawladnimo”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Waxaa lagama maarmaan ah in aanu helno shaqaale dawladeed oo weliba sax ah, tiradiisuna sax tahay, noociisuna sax yahay, qofka saxda ahina uu joogo meesha saxda ah, taasina waxaa ay u baahantahay howl-tiro badan ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhamaystirka imtixaankii laga qaadayey agaasimayaasha wasaaradaha ayuu madaxweyne Gaas tilmaamay in hada meel wanaagsan marayso hadii Alle idmana la soo gebagebeeyn doono sanadkaan gudihiisa si loo hagaajiyo dhismaha maamul iyo mida shaqaale ee dhammaan wasaaradaha Puntland.

”Waxaa ku xiga oo iyana aanu dhamaystiraynaa isbadalka dhanka ciidamada, taasina waxaa ugu horaysa in tababaro fiican ay helaan ciidankayagu loona dhamaytiro adeegooda, samaynta ciidan aan sumad qabiil iyo weliba sumad qofna aan lahayn, ciidan Puntland ka difaaci kara cadow dibadeed iyo mid dhuleedba howshaasi meel fiican ayey maraysa waxaana rajeynaynaa in 2015 aan soo afjarno”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Waxaan rabnaa oo kale in aanu soo afjarno dhibta dhaqaale ee jirta, waxaana arrintaasi wax looga qaban karaa in aanu kor u qaadno dakhligeena iyo in aanu beekhaamino dhaqaalaheena ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Waxaan kaloo idiin balan qaadayaa in dawladdu ay la dagaalanto musuq-maasuqa, waxaan samaynaynaa in dadku laftigoodu ay awood u helaan in ay noqdaan kuwa ilaaliya soona gudbiyana laydiin sameeyana meel aad soo wacdaan oo qofku  markuu arko musuq-maasuq uu u sheegi karo dawladda sababtuna waxaa weeye idinka ayaa arki kara idinka ayaana noo sheegi kara dhibtu suda halka ay ka jirto ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in la meel mariyey ku dhaqanka sharciga Gudiga doorashooyinka Puntland oo ahaa balan qaadkii xukuumada, dhawaana waxaa uu balan qaaday in gudigaasi la soo magacaabi doono si howshooda u guda galaan.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sidookale sheegay in isbadal weyn lagu samaynayo dhanka wax soo saarka kheraadka ku jira dhulkeena dhinackasta, dawladduna waxaa uu tilmaamay in ay diyaar u tahay difaacida badeena dhawaana isbadal wanaagsan oo kalluumaysi iyo weliba mid beeraadba la arki doono.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Puntland ay leedahay shidaal badan oo kujira dhulkeeda dhawaana la soo bixi doonto, wuxuuna cadeeyey inaysan jirin cid ka hor istaagi karta kheyraadka Puntland ku jira.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email:plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online