Madaxweynaha Turkiga oo xariga ka jaray Terminalka cusub ee garoonka Aden Cadde
January 25, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah u furay goordhow Terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde oo ay dib u habeyn ku sameysay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Madaxweynaha dalka Turkiya Recep Tayyib Erdogan ayaa u mahad celiyay balaaran u jeediyey Madaxweynaha DFS Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada iyo shacabka Somaliya sida diiran ay u soo dhaweeyeen.
Recep Tayyib Erdogan Madaxweynaha dalka Turkiya ayaa sidoo kale u mahad celiyey shirkada dayactirka ku sameysay Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Turkiga iyo shacabka Turkiga isaga khudbad ka jeediyey soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha dalka Turkiya.
Wafdiga Madaxweynaha dalka Turkiya Recep Tayyib Erdogan iyo Madaxweynaha DFS ayaa u dhaqaaaqay Isbitaalka Digfeer oo uu furi dooni Madaxweynaha dalka Turkiya.
A/Cawale
Halgan.net