Madaxweynaha DFS oo soo dhaweeyay magacaabista Golaha Wasiirrada

January 13, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si buuxda u taageeray Golaha Cusub ee Wasiirrada ee uu soo dhisey Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxan si buuxda u soo dhoweynayaa magacaabista uu sammeeyey Ra’iisul Wasaaare Cumar Cabdirashiid. Tallaabada tan xigta waa go’aanka baarlamaanka sida uu dhigayo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Federaalka”, ayuu yiri madaxweynaha.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaanu marnaba inaga lumin xawligii waxqabad ee aan ku soconey, iyadoo hawlihii dowladda ay si caadi ah u socdeen toddobaadyadii la soo dhaafey. Waxaa muddadaasi wax laga qabtey arrimo dhowr oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha Guddiga Xudduudaha iyo Arrimaha Federaalka, magacaabista xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dastuurka.

Toddobaadkii hore , waxaan si miradhal ah u martigeliney shirkii ugu horeeyey ee wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ku yeeshaan Muqdisho 24 sanno kaddib. Horumarka dhanka milatarigana, fidinta adeegyada gargaarka iyo hawlagalada xasilinta iyaguna halkoodii ayay ka sii socdeen”.

“Labadii sanno ee la soo dhaafey waxaa socotey shaqooyin badan oo “daahsoon” oo la doonayey in lagu soo dhiso dowlad shaqeysa; haatanna dowladda waxaa looga fadhiyaa inay wax ka beddesho nolosha shacabka Soomaaliyeed ee dhan ee dalka ku nool, sida fidinta adeegyada waxtarka u leh nolosha.

Waxaan si aad ah ugu wada riyaaqsanahay in horumarkaasi uu ahaa mid dhanka wanaagsan loo qaadey, isla markaana waddanka ka dhigey qaran curdan ah oo leh dowlad shaqeyneysa, halkii hore na loogu tirin jirey inaany nahay qaran dhicisoobay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in degdeg loo wajaho waxyaabaha muhiimka ee qaranka horyaalla.

“Waa inaanu si degdeg ah u sameynaa sharciyada muhiimka ah, sida dhismaha guddiyada loo baahan yahay, lana xaqiijiyaa sameynta wadatashi shacabka laga qeybgeliyo, kaas oo horseedi doona gaarista saddex umuurood oo sal u ah Higsiga 2016: dib u eegista Dastuurka, dhismaha maamulada gobollada iyo diyaarinta doorashooyin qaran oo waddanka ka dhaca”.

“Waa inaan xoojinaa muhimadda ay inoo leedahay inaan qaadno talaabooyin looga gol leeyahay in ay saameyn waxtar leh ku yeeshaan nolosha Soomaalida. Waxaan taasi ula jeedaa in na looga fadhiyo inaan qaadno talaabooyin muuqda oo dhanka xasilinta waddanka ah kuwaas oo isku xiraya shacabka iyo dowladda, in ugu dambeyntii laga guuleysto Al Shabaab, la dagaalanka musuqmaasuqa, sameynta hannaan dowladda ay ku hesho dakhli loo isticmaalo dhismaha dugsiyo ay carruurteena wax ku bartaan, in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur iyo daryeel caafimaad oo qoysaskeena ay wada helaan. Waxaa kale oo waajib inaga saaran yahay inaan la soo baxno kheyraadka waddankeena si aan uga wada faaideysano, lagana shaqeeyo sameynta xaalad wanaagsan oo lagu horumarinayo adeegyada gaarka loo leeyahay.

“Dowladda cusub waxaa horyaalla liis ay ku taxan yihiin waxyaabo badan oo muhiim ah, kuwaas oo u baahan go’aan qaadasho adag iyo is xilqaan si wax waliba sidii loogu talagaley ay u fulaan. Waxaan ugu dambeyntii filayaa in baarlamanka uu degdeg u ansixiyo xubnahan cusub ee Golaha Wasiirrada, isla mar ahaantaana ay xubnahan cusub degdeg ugu guda galaan hawlaha horyaalla.

—-Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online