Madaxweyne ku Xigeenka PL ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Deegaano ka tirsan Gobolka Cayn.[Video/Masawiro]

January 17, 2015 - Written by Editor

IMG_0309Buuhoodle:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Deegaano fara badan oo ka tirsan Gobolka Cayn, Xarigana ka Jaray Mashaaariic Horumarineed oo ay Hirgalisay Dawladda Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdi xakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey oo beryahan safar shaqo ku joogay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa maanta kormeero shaqo oo kala duwan ku tagay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.

Deegaanadii uu maanta kormeeray Madaxweyne Camey ayaa waxay kala ahaayeen deegaanka Kulmiye , Xadha-dhan, Shan-galle iyo Balli-Docol , waxaana deeganadan ay dhacaan waqooyiga magaalada buuhoodle. Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa xariga ka jaray balli ama dhaam biyood ay hirgalisay Dawladda Puntland iyadoo kaashanaysa hay’adda ICRC , waxaana dhaamkaasi qoday shirkadda dhismayaasha ee WAABERI, iyadoo la doonayo in looga maarmo biyo yaraanta ka jirta deegaaka.

Madaxweyne Camey ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay dadweynaha ku dhaqan dhamaan deegaanadii uu tagay, wuxuuna ka dhagaystay warbixino ay kaga waramayaan xaaladaha deegaanadaasi, isagoo u ballan qaaday in Dawladda Puntland ay waxqabad muuqda u samaynayso bulshada deegaanadaasi ku dhaqan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay deegaanka Balli-Docol waxaa uu ku shaaciyay in dhamaan deegaanada uu booqday ay ka mid yihiin Puntlad cid kale oo sheegan kartaana aysan jirin.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa sidoo kale farriin cad u diray Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka , isagoo u sheegay in dhulkani aanu ahayn deegaano la isku haysto, balse ay ka arrimso Dawladda Puntland, isla markaana loo baahan yahay inay arrintaaasi iska ilaawaan mashaariic horumarineedna ay deegaaanadaasi ka fuliyaan iyagoo kaaashanaya Dawladda Puntland.

no images were found

Hoos ka Daawo Madaxweyne Ku Xigeenka PL ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Deegaano ka tirsan Gobolka Cayn

DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online