Madaxweyne ku xigeenka PL oo dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo magaaalada Buuhoodle.[Masawiro]

January 16, 2015 - Written by Editor

IMG_9744Buuhoodle:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey oo maalmahan ku sugan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa maanta dhagax dhigay mshaariic horumarineed ay Dawladda Puntland ka hiralinayso magaaladaa Buuhoodle.

Mashaariicdan uu Madaxweyne Camey ka dhigay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ka mid ah wado laami ah oo 3-km ah, dhismaha xarunta hooyada iyo dhallaanka iyo dhismaha xarunta wasaaradda deegaanka ee gobolka cayn.

Munsaasabadaha dhagax dhigay ayaa ka dhacy saddex goobood oo kala duwan, waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku tashadeen isla markaana ay ka dhabaynayaan ballan qaadkoodii ahaa in la gaaro dhulka fog isla markaana ay Dawladdu u shaqayso shacabka ay masuulka ka tahay.

Madaxweynaha Camey waxaa uu kula dardaarmay dhamaan bulshad gobolka cayn inay ka shaqeeyaan adkaynta amaanka iyo horumarka dalka, isla markaana Dawlad ahaan ay si dhow uga war haynayaan.

no images were found

–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaaafinta, Wacyi-gelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee
Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online