Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo qaabkii loogu soo dhaweeyey Buuhoodle.[Masawiro]
January 14, 2015 - Written by EditorBuuhoodle:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta waaberigii 14, January, 2015 ka anba baxay caasimadda Puntland ee Garowe , waxayna u kicitameen magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya qaar ka mid ah golayaasha Dawladda Puntland , saraakiisha ciidamada iyo xubno kale, waxayna sii mareen deegaano fara badan oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Cayn isyagoo soo dhoweyn aad u diirana kala kulmay dadweynaha deegaanadaasi, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa uu ku yimi deegaanda Sool iyo Cayn, isla markaana uu sii joogi doono maalmaha soo socda.
Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn, waxayna dadweynuhu wafdiga madaxweynaha kaga hor yimadeen meel 50-km u jirta magaaladaasi.
Madaxweyne Camey ayaa soo dhoweynta ka dib dadweynaha kala hadlay barxadda weyn ee garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle, wuxuuna bulshada uga mahad celiyay sida aadka u diiran ee ay usoo dhoweeyeen isaga wafdigiisa, isla markaan wuxuu u sheegay inuu maaalmaha soo socda joogi doono magaalada kulamo kala duwana uu la qaadan doono bulshada buuhoodle.
Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maalinta berri ka qayb gali doona munaasabadda caleema saarka Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe taasi oo ka dhici doonta magaalaada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Soo Dhoweynta madaxweyne Camey waxaa sidoo kale ka qayb gala ciidamada kala duwan ee Puntland kuwaasi oo jooga magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow, wuxuuna Madaxweynuhu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadaasi.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Hiddaha Iyo Dhaqanka
ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.