Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Buuhoodle[Cod/Masawiro]

January 14, 2015 - Written by Editor

2Buuhoodle:-Waxaa maanta Magaalada Buuhodle ee xarunta Gobolka Cayn si weyn loogu soo dhaweyey Wafdi ballaadhan oo uu hogaaminyo Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane Eng. C/Xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Camay .

Wafdiga madaxwayne ku xigeenku ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelinayey  Wasiiro , Xildhibaano , Odayaal , Siyaasiyiin iyo waxgarad kale.

Socaalka uu saaka ku soo gaaray madaxweyne u xigeenka dowladda Puntland Eng. C/Xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Camay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa uu u jeedkiisu yahay in uu ka qayb galo xaflada caleema saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe  oo maalinta beri ah ka dhici doonta Beeraha Balliga Buuhoodle Hadii Alle idmo.

Soo dhaweynta wafdiga madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. C/Xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Camay ayaan reer Buuhoodle u kala harin waxaan soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay Aqoonyahano , Odayaasha dhaqanka, Culuma’u diin ,Ardayda Jaamacada Bariga Africa , Ganacsato , Siyaasiyiin , Ururada Bulshada , Kooxaha kala duwan ee Hiddaha iyo dhaqanka, iwm .

Waxaa Madaxwayne ku xigeenku uu gacan qaaday dadwaynihii soo dhaweeyey isagoo aad ugu farxay  sida loo soo dhaweeyey.

Madaxwayne ku xigeenka oo Saxaafada la hadlaya aya Sheegey  in Buuhoodle ay tahay Magaaladiisii uu ka soo unkamay  waxaan uu yiri ” ‘Buuhoodle waa Magaaladaydii  , Wa hogaygii, waan jeclahay Waan ku farxsanahay in aan arko reer buuhodle oo sidan o kale ii soo dhawaynaya’  ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenku.

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. C/Xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Camay ayaa waxaa ku soo dhaweeyey duleedka  Buuhoodle ilaa 650 Gaadhi wax ka badan , iyadoo ay dheerayeen 70 Meeyo kale oo uu watay Madaxwayne ku xigeenka  iyo cidamo ka tirsan Puntland oo sugayey amaanka wafdiga madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa iyana soo gaadhay wufuud kale oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya. Ilaa shalay waxaa magalada Buuhoodle soo gaadhay wax ka badan 30 wafdi oo ka kooban Madaxdhaqameedyo , Odayaal , Cuqaal , Garaado , Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Ganacsato, iyo marti sharaf kale oo badan .

Waxaa lagu wadaa Subaxnimada Khamaiista eee beri in 9:00 Subaxnimo ay ka qabsoonto Xaflad Taariikhi ah  oo  lagu boqrayo Garaad C/RIsaaq Garaad Soofe .

no images were found

Hoos ka Dhagayso hadalkii uu reer Buuhoodle u jeediyey Madaxweyne ku xigeen PL Eng. C/Xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Camay

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/0o7cxvj4c9/camay.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Mawliid Imaaciil Haradigeed
Buuhoodle, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online