Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta booqday xarumaha Dowladda iyo Talisyada Ciidanka ee Buuhoodle.[Dhagayso]

January 19, 2015 - Written by Editor

IMG_1911Buuhoodle:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta kormeeray xaarumaha Dawladda Puntland ee magaaalada buuhoodle isagoo dhex lugeeyey inta badan magaaladaasi.

Madaxweyne Camey xafiisyada Dawladda ee uu kormeeray waxaa ka mid ahaa dhamaaan xafiisyada Isu-duwayaasha Wasaaradaha Dawladda ee Gobolka Cayn iyo saldhiga booliska magaalada buuhoodle, wuxuuna siyaabo kala duwan ula kulmay isu duwayaasha iyo sarakiisha ciidanka isagoo salaam sharaf ka qaatay ciidmada booliska Buuhoodle.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji C/llaahi Cumar Camey meelihii uu tagaay saaka ee magaalada Buuhoodle waxaa ka mid ahaa Xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee wasaaradda caafimaadka Puntland, wuxuuna halkaasi warbiin kaga dhagaystay isu duwaha caaafimadka gobolka Cayn iyo dhamaan shaqaalaha caafimaadka.

no images were found

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir ay albaabadu u xiran yihiin la qaatay dhamaan saraakiisha kala duwan ee ciidanka Puntland ee Gobolka Cayn, wuxuuna si adag ugula dardaarmay inay ka shaqeeyaan adkaynta amaanka iyo ilaalinta xuduudaha Puntland ee Gobolka Cayn.

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/00vgazs3ez/booqasho.mp3]

Radio Daljir

–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online