Madaxweyne PL oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ganacsato Soomaali iyo Ajnabi ah.[Masawiro]

January 3, 2015 - Written by Editor

IMG_5953Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-1-2015 ku qaabilay xafiiskiisa Madaxtooya da  Puntland ee Garoowe ganacsato Soomaali iyo Ajnabi isugu jira, kuwaasi oo hormuud u ah shirkado doonaya inay Puntland maalgashi ku sameeyaan.

Wang XueJuin iyo Yang Bin oo u dhashay dalka Chaina waxa ay hormuud u yihiin shirkadda LIAONING DAPING FISHERY Company oo fadhigeedu yahay dalka Chaina, waxayna doonayaan inay Puntland ka fuliyaan maalgashi dhinaca kalluumaysiga ah.

Masuuliyiintaan kala duwan ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed usoo bandhigay sidii ay Puntland uga fulin lahaayen mashaariic dhinaca kalluumaysiga ah ku saabsan iyo sidii ganacsiga dhinaca kaluumaysiga Puntland loogu horumarin lahaa.

Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa sheegay in marwalba Puntland diyaar la tahay maalgashi dhinac kasta ah oo dan u ah dadka iyo dalka Puntland si horumar balaaran loo gaarsiiyo ummada reer Puntland.
Dhinaca kale bilaha soo socda ayaana lagu wadaa in hashiis dhamaystiran Dawladda Puntland la saxiixato ganacsatadaasi si ay ubilaaban maalgashi caalami ah oo ay ka faa’iidaysanayaan guud ahaan Shacabka reer Puntland.

Soo dhaweynta iyo la kulanka cid kasta oo dalka ka fulinaysa mashaariic maalgashi waxa ay qeyb ka tahay qorshayaasha horumarineed ee uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hormuudka ka yahay.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email: Plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online