Masjidka Saalixiya ee magaalada Burco oo dib u dhis lagu bilaabay.[Daawo Video]
January 9, 2015 - Written by EditorBurco:-Waxgaradka iyo Culumada magaalada Burco ayaa waxaa ay dib u habeyn ku bilaabeen Masjidka Al-Saalixiya oo ah Masjid taariikh dheer ku leh magaalada Burco waxaana Masjidka Saalixiya dhidibada loo aasay 1901.
Masjidka Saalixiya ee magaalada Burco waa masjidkii ugu horeeyey ee laga dhiso wuxuuna ku yaal Masjidka bartamaha magaalada Burco. Masjidka ayaa waxaa gacanta ku haya Culumo salafiyiin ah waxaana Masjidka dib loo dhisay 1948 waxaana markaa Eng looga keenay magaalada Cadan ee xarunta koonfurta dalka Yemen.
Masjidka Saalixiya ee magaalada Burco ayaa waxaa haatan lagu qiimeeyey dhismihiisa 900,000 waxaana haatan ay gacanta ku hayaan culumada u istaagay dib u habeynta iyo Dhismaha Masjidka 650,000 .
Masjidka ayaa waxaa horey u heyn jiray xerta Saalixiyada waxaana ka soo aflaxay culumo badan oo Soomaali ah waxaana haatan gacanta ku haya culumada Salafiyiinta ee magaalada Burco.
Dhamaan waxaa laga codsanyaa dhamaan muxsiniinta Soomaaliyeed in ay ka qeybqaatan dhismaha Masjidka iyo Machad Sharci ah oo lagu barto diinta waxaana ay maamulka Masjidka u baahan yihiin Aduun dhan $ 250,000 doolar. Masjidka Saalixiya ee magaalada Burco ayaa ah 2 dabaq iyo waqafkiisa
Hoos ka Daawo Masjidka Saalixiya ee magaalada Burco oo Dhismo lagu bilaabay.
Halgan.net