Mutamarkii Islaamiga ahaa ee Koonfur Afrika oo si rasmi ah loo soo xiray.[Masawiro]

January 8, 2015 - Written by Editor

raage 10Johannesburg:-Waxaa maanta oo ah arbaco bishaana ay tahay 07/01 /15 shanta iyo barka galabnimo waqtiga Johannesburg ka furmay Markazka Al-bayaan Johannesburg shir ay wada yeesheen culimada ka soo qayb-gashay mu,tamarka sanadkan oo ahaa mu,tamarkii 5aad ee jaaliyada Soomaalida Koonfur afrika qabsato iyo mas,uuliyiinta dacwada gobollada koonfur afrika iyo ducaada gobollada Koonfur afrika qayb ka mid ah.

Shirkaan oo ahaa shirkii ugu danbeeyay acmaasha mu,tamarka ayna ku dardaarmaayeen culimada ayaa waxaa uu isla markaasna ahaa shirkii lagu soo xiraayey mu,tamarka oo rasmiyan furmay habeenkii 24ka December 2014ta, waxaa ugu horeeyan shirka furay Sh.Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka tirsan majliska aasaasayasha al-bayaan asagoo islamarkaasna ahaa xiriiriyihii shirka waxaana uu ku soo dhaweeyay Sh.Bahjudiin oo ahaa mas,uulkii mu,tamarka sanadkan asagoo Sh. Bahjudiin u mahadnaqay allah ka dib culimada iyo dhamaan ducaada ka ah mas,uuliyiinta gobolada kala gedisan ee suurtageliyay mu,tamarka in uu qabsoomo isla markaana waxaa uu ka mahadceliyay sidii ay ula shaqeeyeen dhamaan duucadaa.

Intaa ka dib waxaa warbixin laga dhagaystay Sheekh.Maxamed Aadan Abdile oo ah mas,uulka dacwada ee gobolka Gauteng asagoo ka warbixi yay sidii uu mutamarka u qabsoomay gobolada iyo muxaadaraadkii la jeediyay iyo simaanaaraadkii iyo kulamadii la galay asagoo tilmaamay in sanadkaan wax badan mutamarkan 5aad lagu soo kordhiyay dadkana ka faa,iidaysteen.

Waxaa kaloo ku hadlay magaca mas,uuliyiinta dacwada ee gobolada Limpopo, mpumulanga, Rusten burg, Sh. haajir, Sh c/qaadir feeroole, Sh. c/qaadir jeexoow, intaa ka dib waxaa makarafoonkii lagu soo dhaweeyay culimadii oo dhamaan jeediyey naseexooyin, talooyin, dhiirigelin, iyo mulaaxadaad, waxayna isku waafaqeen culimadii hadashay in mu,tamarka koonfur afrika uu ka horumarsanyahay mu,tamarada Yurub maadaama lawada geeyo dalka oo dhan mutamarka halka mu,tamarada Yurub hal magaalo lagu qabto.

Waxaana ay kala ahaayeen culimadii hadashay Sh. Dr.Cali Maxamed Saalax, Sh. Dr. Maxamuud Hoori, Sh. Axmed yare, Sh.Siciid Raage, waxaa ugu danbays culimada u akhriyay bayaan ay soo diyaarsadeen Sh. Maxamuud shibli oo ku hadlaayay magaca culimada waxaana uu sheekha si faahfaahsan uga hadlay mu,tamarka sanadkan waxyaabihii uu ku fiicnaa, mulaaxadaadkii, iyo soo jeedin in mu,tamarka lagu kordhiyo waxyaabo cusub iyo in laga faa,iidaysto culimada gudaha ku sugan.

Ugu danbaystii waxaa ku hadlay magaca gudoomiyaha al-bayaan Sh.Xassan Guure sheekha lagu magacaabo Sh. Qorane Cabdi oo ka tirsan aasaasayaasha al-bayaan oo asana markale u mahadnaqay culimada iyo waqtiga qiimaha badan ee u soo hureen jaaliyada soomaalida ee dalka Koonfur afrika waxaana uu balanqaaday in naseexooyinkaa dhamaan ay culimada soo jeediyeen ay ka fa,iidaysan doonaan insha allah.

Shirkaan oo ay ka soo qayb-galeen ilaa 37 qof oo isugu jirtay mas,uuliyiin tii gobollada iyo ducaada ka kala yimid gobollada ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday guul halkaana waxaa ku soo gabagaboobay mutamarkii 5aad ee jaaliyadda soomaalida ee sanadkan la qabtay oo ay sanad walbo soo qabanqaabiso majliska dacwada ee al-bayaan.

no images were found

Waxaa diyaariyey

Maxamed Aadan Abdile

Gudoomiyaha Dacwada Gobolka

Gauteng ee Majliska Al-bayaan

 

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online