Mutmarkii Islaamiga ahaa ee ka socday Cape-Town oo la soo gabagabeeyey (Masawiro)

January 3, 2015 - Written by Editor

2Cape-Town :-Waxaa la soo gabagabeeyey Mutamarkii Islaamiga ahaa ee sida habsamida leh uga socday  Cape-Town  iyo Johannisberg waxaana culumadii ka qeyb gashay ay ka jeediyeen duruus iyo muxaadaraad kala duwan.

Mutamarka sanadkan ayaa ahaa kii 5aad ee lagu qabto dalka Koonfur Afrika waxaana sanadkaan uu lahaa xiiso gaar ah waxaana duruusta ay ku baxeysay Luqadaha Soomaaliga iyo Ingriiska taas oo ay aad ugu riyaaqeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Mutamarkan Islaamiga ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Majliska Al-Bayaan ee dalka Koonfur Afrika waxaana sanadkan ka qeyb galaya Mutamarka culumada kala ah

1. Sheekh Maxamuud Shibli (Kenya)

2. Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax (Norway)

3. Sheekh Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori (UK)

4. Sheekh Axmed Maxamuud (Axmed yare) (Somalia)

5. Sheekh Saciid Raage (Canada)

6. Sheekh Cabdullaahi Ibraahim (South Africa)

7. Sheekh Cabdinaasir Cusmaan (South Africa)

Mutamarka Islaamiga ee sanadkan lagu qabtay dalka magaalooyinka  Cape-Town iyo Johannisberg  ayaa waxaa si live ah u tabinayey Radio Halgan iyo Radio Al-Xikma oo 13 xarumood ku leh deegaanada Puntland taas oo ahayd guul weyn oo lagu talaabsaday.

Mutamarka ka socday magaalada Cape-Town  ayaa waxaa lagu soo khatimay muxaadaro aad u qiimo badneyd oo uu jeediyey Sheekh Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori waxaana uu Sheekhu aad ugu qaadaa dhigay muxaadaro uu cinwaan keeda ahaa ”Ku Sugnaanta Diinta Alle”.

no images were found

Sh.Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa waano iyo dardaaran gaar ah u jeediyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika gaan ahaan magaalada Cape-Town wuxuuna ugu baaqay in ay diintooda ku sugnaadaan ayna ku faafiyaan diinta Islaamka Mujtamaca gaalada ay la nool yihiin.

Majliska Al-Bayaan ayaa u mahad celiyey dhamaan culumadii iyo dadweynihii sanadkan ka soo qeyb galay mutamarka waxaana ay sagootiyaan culumadii mutamarka Cape-Town  ka qeyb gashay sidoo kale waxay u mahad celiyeen dhamaan warbaahinta tabineysay Mutamarka iyaga oo si gaar ah ugu mahad celiyey Maamulka Halgan.net iyo Radio Xikma.

Culumada ayaa haatan waxaa ay socdaal dacwo ku joogaan gobolka la yiraahdo Estaren Cape waxaana guud ahaan mutamarka si guud waxaa loo soo afjarayaa 5ta bisha hadii alle idmo.

Halgan.net
Cape-Town

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online