Nabadayntii Beelaha Bahararsame Iyo Qayaad oo Wajigii hore la soo Gabgabeeyey

January 5, 2015 - Written by Editor

nabadeynLaascaanood:-Gudiga dhex-dhexaadinta beelaha Bahararsame iyo Khayr Cabdi ayaa maalinimadaii shalay ka gaadhay xal kaas oo ay ku dhawaaqeen go,aamadii ugu dambeeyay ee xalinta xurguftii bilihii u dambeeyay u dhaxeeyay beelaha khayr cabdi iyo Bahararsame .

Wasiirka arimaha gudaha Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf ayaa goobta kaga dhawaaqay in maalinta berito ah la qaban doono xaflad ay ka soo qeyb gali doonaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda Degaanadda Khaatumo ayna ka mid yihiin qaar kamid ah Isimadda dhaqanka Khaatumo.

Go’aanka Culimada ay Soo Saareen :-

-Haddaba markay dhegaysatay culimada Garsoorayasha ahaa sheegashooyinka labada Dhinac , caddeeymaha lala yimid.

-Markay Kutubta Xxkaamta daalacatay.

-Markay aragtay sida falal dambiyeedkaasi u dhaceen.

-Markay aragtay in dilalka dhacay ahaayeen dhammaantood dil camdi ah,eegeenna waxyaalihii ku xeernaa falwalba ,waxay xukunumeen sida soosocota:

1. Labada nin ee lagu dilay dharkayn oo kala ahaa:

• Cali Dalmar Maxmuud

• Rooble Maxmed Maxmuud

Waxaa laga xukumay midkiiba mag muqalada ah ( oo ah boqol halaad oo afartan rimay tahay ,soddona qaalmo afar jirro ah ,soddona qaalmo shan jirro ah tahay iyo wixii fur ahaa.

2. C/risaaq Maxamed Axmed : waxaa laga xukumay ,mag muqalada ah iyo tacziir dhan afartan halaad .

3. C/wali Shaaciye Cali Seef : waxaa laga xukumay mag muqalada ah iyo Tacziir dhan labaatan halaad

4. Wixii dhaawacyo ah ee kor lagu soo xusay waa sidii horay loo soo sheegay.

NB:(Fiiro Gaar ah ):
– Dhaawaca – Diiriye Cabdi Iimaan Xasan oo Qudhac maqsin lagu dhaawacay, dib ayaa loo dhigay dhegaysigiisa, maadaama aysan diyaar ahayn muddicigii.

– Cabdi Maxamed Jaamac iyo Gawl C/salaam Geelle oo Kala baydh lagu dhaawacay, kan hore dhaawaciisa waa loo simay, 3 halaad baa loogu simay, kan labaadna dacwadiisa lama soo gudbin.

Magacyada Culimada Garsoorayaasha ah:

1. Sheikh Axmed Nuur Sugulle Geelle ………………………………………………………………

2. Sheikh Axmed muxamed Suleymaan……………………………………………………………

3. Sheekh C/wali Maxamed C/raxmaan……………………………………………………………

4. Sheikh C/raxmaan sheikh Cumar X. Xasan …………………………………………………..

5. Sheikh C/naasir Xaaji Maxamed ……………………

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online