Nabadoon C/qani Axmed Dallaan oo lagu Caleema saaray magaalada Qardho.[Masawiro]

January 2, 2015 - Written by Editor

Nabadoo C.qani Axmed DallaanQardho:-Xafladan oo ahayd qado sharaf lagu caleema saarayay Nabadoon C/qani Axmed Dallaan oo ay kasoo qaybgaleen Isimo, Nabadoono, Masuuliyiin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhalinyaro iyo waxgarad kale ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka Hotel Embeeye ee magaalada Qardho.

Waxaa ugu horayn xaflada ka hadlay oo kalimad wacdi ah kasoo jeediyay Sh. Axmed Cawaale Gaare oo ah Maamulaha shirkada Golis Xarunteeda Magaalada Qardho waxaana uu dhamaan dadkii kasoo qaybgalay Xaflada kula dardaarmay Alla Kacabsi wuxuu sidoo kale si gaar ah ula hadlay Nabadoonka cusb ee Beesha Ciise Maxamed Xirsi Cumar Bah yaquub ee Cismaan Maxamuud.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiinta Degmda Qardho, masuuliyiinta ayaana aad usoo dhoweeyay caleema saarka Nabadoonka waxayna balan qaadeen inay la shaqayn doonaan nabadoonka.

Khudbado isugu jira hambalyo bogaadin iyo dardaaran ayaa waxaa halkaa kasoo jeediyay Isimadii iyo Nabadoonadii kasoo qaybgalay xafladda waxayna dhamaantood aad ugu dheeraadeen shaqada loo caleema saaray nabadoonka iyo dhibta ay leedahay waxayna ilaah uga baryeen nabadoonka inuu ilaah u fududeeyo shaqada culus ee loo caleema saaray.

Nabadoon C/qani Axmed Dallaan oo la hadlay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xaflada ayaa aad ugu mahad celiyay kasoo qayb galkooda sheegayna inuu qaadan doono dhamaan hadaladii daxalgalka ahaa ee ay ujeediyeen masuuliyiintii halkaa ka hadashay wuxuu kaloo balan qaaday inuu kasoo bixi doono dhamaan howlaha loo idmadaya haduu Rabi idmo waxaa xusid mudan in nabadoonku yahay Aqoonyahan ama Barfasoor haysta shahaadada PHD kana soo shaqeeyay meela badan oo daafaha dunida ah waxa uu macalin jaamacadeed ka ahaa jaamacadii umada wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay oo bare jaamacadeed ka ahaa Nairobi hada ayaa waxa uu madax u yahay Qayb ka mid ah jaamacada bariga afrika faraceeda magaalada Garowe .

Gabagabadii xaflada ayaa waxaa ka hadlay soona xiray xaflada Islaanka guud ee Beesha Cismaan Maxamuud Islaan Maxamed Islaan Yaasiin oo u hambalyeeyay nabadoonka cusub wuxuu sidoo kale aad u amaanay nabadoonka iyo Qoyska uu kasoo jeedo oo dhamaantood xilkaa soo qabtay xilka maanta loo caleema saarayna yahay nabadoonku mid uu ka dhaxlayo  allaah u naxariistee Aabihii Axmed Dallaan .

no images were found

Daauud Maxamed Xasan

Qardho-Puntland-Somali

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online