Nadwo Cilmiyeed ka socotay Burco oo la soo Afmeeray Bayaana laga soo saaray (Masawiro+Bayaan)
January 28, 2015 - Written by EditorBurco:-Waxaa lagu soo afmeeray magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer nadwo cilmiyeed maalmihii la soo ka socotay magaalada waxaana nadwada soo abaabulay mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarintu. Nadwadan oo ciwaankeedu ahaa ياأيها الذبن آمنوا استجيبو لله وللرسول إذا دعاكم لما يحييكم ayaa waxa lagaga hadlay mawaadiic ay ka mid ahaayeen.
A- كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته
B – إنا كفيناك المستهزئين
C – ماذا تعرف عن الشيعة
D – التحذير من المخدرات والأمراض الشائعة
E – إنتبهي أيتها المؤمنة
Nadwada lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimada kala ah Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike
Sheekh Shacbaan Cabdilaahi aadam
Sheekh Khadar Cabdilaahi badeed
Sheekh Feysal Cali Faarax
Sheekh Xuseen Maxamed Ducaale
Guntii iyo gabagabadii culimada waxay soo saareen bayaanka kooban 10 qodob oo ku aadan dhammaan ummada islaamka gaar ahaana bulshada Soomaaliyeed qaybeheeda kala duwan waxaanu u qornaa sida tan
Bayaanka Monday, January 26, 20155-Rabiical11-1436
1.Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed Alle kacabsi iyo inay qabsadaan kuna dhaqmaan Kitaabka iyo sunnada Nabiga ( nabadgeliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato).
2.Waxaanu ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyoSunnada Nabiga (scw) iyo faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, ee tilmaanta u ah diinta Islaamka. Iyo kadigida Faafinta manaahijta Leexsan ee bulshada lagu dhexfaafinaayo sida Shiicada/ takfiirka/ xadgudubka , sidoo kale Culimadu waxay kuboorinayaan Bulshada barashada manhajka firqooyinka lumay si looga digtoonaado in xiraaf kooda
- Culimadu waxay ugu baaqayaan guud ahaan Bulshada in ay kawaantoobaan Cudurka QABYAALADA oo Bulshada kukeenay kala qaybsanaan / Iskaashila,aan / Nabadgalyo Xumo iyo isucaloolxumaan.,
- Waxaan ugu baaqaynaa bulshada gaar,ahaan dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba inay ka fogaadaan dhaqamada xun-xun iyo tahriibta taasoo ay kala kulmaan dhibaatooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin dhaqaale burbur, xadhig, kufsi, dhimasho, iyo qoysaskii ay ka dhasheen oo ay ka soo gaadho dhibaato weyni, waana inay ogaadaan qofka khatartaas u badheedha in uu lamid yahay qof naftiisa dilay sharci ahaanna aanay bannaanayn.
- Culimadu waxay ugu baaqayaan DUCAADDA in ay isu taagaan faafinta Diinta iyo dhigista Cilmga sharciga ah, oo ay Bulshadu baahi badan u qabaan, sidoo kale Waxay ugu baaqayaan Bulshada in cilmiga ay ka qaataan culimmada ehelka u ah, sida Allaah Qur’aankiisa ku sheegay, “فاسئلوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون” (Waydiiya kuwa cilmiga leh hadii ay dnaan idinku cilmilahayn.)
- Waxaanu ugu baaqaynaa dadka siyaasada ku hawlan in ay kashaqeeyaan danaha dalka, dadka iyo diinta, kana fogaadaan wax yaabaha iska horkeeni kara ummadda sida adeegsiga Qabyaalada iyo kala qaybinta Bulshada, lanayimaadaan hufnaan Maamul wanaag, iyo lexejeclo umaddeed.
- Waxaanu ugu baaqaynaa Salaadiinta, nabadoonada iyo Cuqaasha iyo dhamaan hugaanka dhaqanka, in ay isutaagaan heshiisiinta walaalaynta, iyo nabadaynta Umadda Bulshaduna waa inay la yimaadaan isutudhid, dulqaad, is cafin, iyo isu caloolxaadhnaan.
- Haweenku waxay leeyihiin mudnaan,kaalin wayna waxay kagajiraan Bulshada, sidaadarteed waa in ay gartaan kaalintooda ay siisay shareecadu, kana fogaadaan shirqoolada lagu marinhabaabinaayo waxna loogu dhimayo sharaftooda iyo maamuuskooda, waana in ay ogaadaan in ay siisay shareecadu xuquuqdooda oo dhamaystiran
- Culimada iyo Dhakhaatiirtu waxay siwadajir ah Bulshada ugu baaqayaan in ay ilaashadaan caafimaadkooda iyo nadaafadda ,kana fogaadaan dhamaan waxyaabaha dhaawici kara caafimdaadka sida Isticmaalka Mukhaadaraadka iyo isticmaalka Daawooyinka aan la hubin
- Waxaanu ugu baaqaynaa dadka ka ganacsada Cuntooyinka iyo Daawooyinka in ay Allaah kaga baqaan waxa ay bulshada u keenayaan ee ay ka ganacsanayaan.
Mahadnaq :
Waxaanu umahad naqaynaa mu,asasada ALKARAM EE DACWADA IYO HORUMARINTA oo soo abaabushay kulan cilmiyeedkan, iyo dhammaan gudiyada kashaqeeyay, waxaan kale oo u mahadnaqaynaa bahda saxaafadda qaybaheeda kala duwan sida: tv-yada, idaacadaha, mareegaha kaqaybqaatay baahinta iyo tebinta kulan cilmiyeedka,
Gunaanad : no images were found
Culimadu waxay Allah uga baryayaan umada Muslimiinta ah guud ahaan iyo gaar ahaan umadda Soomaaliyeed in Alle waafajiyo kutoosnaanta diintooda,
Magcyada Culimada
- Sh. Faysal Cali Faarax
- Sh. MaxamuudMaxamedXaliike
3.Sh. YuusufCabdi Cawed
4.Sh.MaxamedShukri Xasan
5.Sh. MstafeAadanMaxamed
6.Sh.AxmedMaxamedSaleebaan
- Sh.Shacbaan C/laahiAadam
8 Sh.Khadar C/laahiBadeed
- Sh. C/Qani Aw Saalix Cali
- Dr, YuusufAxmed Cali
- Dr.XuseenMaxamuudDucaale
12- Maxamed Xuseen Cali gudoomiye ku xigeenka Mu,asasda al-karam ee dacwada iyo horumarinta.
Burco
Halgan.net