Nadwo diini ah oo balaadhan oo xalay lagu soo khatimay magaalad Boorama.[Masawiro]

January 16, 2015 - Written by Editor

1Boorame:- Nadwo balaadhan oo ka bilaamatay habeenkii arbcadda socotayna ilaa maalintii Jimcaha ayaa lagu soo khatimay Masjidka ugu weyn magaalada Boorama Abuu Hurayra ayaa nadwadan waxa ay ahayd shicaarkeedu.[” Ka shaqaynta diinta Alle waa masuuliyad na wada saaran.”] Nadawadaan ayaa waxa soo diyaariyey ururka dhalin yarada ee Badbaado.

1- Muxaadaradii ugu horaysay ayaa waxa soo jeediyey Sh. Xassan Khayr Dirir oo ka hadlay shiicadu sidda ay iskugu balaadhinayso geeska afrika , Sh. Xassan Khayr ayaa si qoto dheer uga waramay afkaarta shiicada iyo in laga fogaado ahmiyada ay leedahay sidoo kalena tilmaamay in ay soo gashay dalka soo maaliyeed dadkana caqiidada khaldan ku fasahaadinayso.

2- Muxaadarada labaad ayaa waxa soo jeediyay Dr. Sheekh Xassan Cali Cali Warsame oo ka yimid magaalada Burco ayaa isaguna ka hadlay dawaabida lagu bidceeyo ahlu bidaca ayaa tilmaamay in dadka lagula dagdago bidcada in ayna sax ahayn.

3- Muxaadaradii ugu danbaysay ayaa waxa jeediyay Sheekh.Maxamuud Maxamed Xaliiki oo ka yimid magaalada Laascaanood ayaa wax uu ka hadlay taariikhda saxwada soomaaliyeed ay ku lahaayeen xarakaadku ayaa sheikh tilmaamay in ay dawr wayn ka qaateen Sheekh Cali Warsame allaa ha xiftiyee iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax alla ha u naxariisto aamiin.

Dhinaca kale inta ay culimadu joogeen ayaa waxa ka faa’iideeyeen in ay tadriib dacwadeed u qabtaan dhalinyarta ducaada ee magaalada Boorama halkaas oo saddex galbood ka socto Hoolka Machadka Saylac.

Culimada ayaa waxa hogaaminayay socodkooda Mu’asasada Al-karam ayaa waxa ku weheli naayay maamulka Mu’asasada Al-suna iyo maamulka Mu-assada Al-safa. Dhinaca kale ururka badbaado ayaa xoog u soo dhaweeyay culimada inta ayna soo galin magaalada Boorama iyaga oo salaan qaaday dhamaan culumada.

Sheekh.Maxamuud Maxamed Xaliiki ayaa inta uu joogay magaaldada Boorama darsi u dhigay dalabatul cilmiga magaalada isaga oo marinaayay manduumada manhajul xaq ayaa dalabatul cilmigu soo buux dhaafiyeen masjidka Ibraahiim aadna ugu duceeyay wakhtiga kooban ee sheekhu uga faa’iideeyay.

no images were found

Ururka Badbaado
Boorame,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online