Qaar ka mid ah Xildhibaanada DFS oo ka hor yimid golaha wasiirada ee R/W Sharmaarke.

January 12, 2015 - Written by Editor

RW_sharmaarkeMuqdisho:-Kulan ay maanta isigu yimaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada DFS  gaar ahaan Xildhibaanadii taageersanaa Xukumaddii Baarlamaanka uu kala soonida kala laabtay R/W  C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa Sheegay in ay diidan yihiin qaabka loo soo xulay golaha wasiirada DFS ee xalay lagu dhawaaqay.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa waxaa uu wareysi siiyey  Idaacada VOA wuxuuna  sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan 122 Xildhibaan isaga xusay in kulankooda ay uga hadleen golaha wasiirada ee lagu dhawaaqay xalay saq dhexe wuxuuna sheegay in ay qaadaceen .

Xildhibaan Cabdi Axmed ayaa ku eedeeyey  Ra’iisul Wasaareaha DFS  in uu uga baxay Xildhibaanada balan taas oo ahayd awood qeybsi  wuxuu kale uu sheegay in wasiirada qaar ay diidan yihiin isaga oo ku tilmamaay in ay caqabad ku yihiin xukuumad kasta oo la soo dhiso.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa sheegay in aysan Kalsooni siin doonin Golaha wasiirada ee la soo  dhisay wuxuuna yiri ma ansaxin doono hadii alle idmo.

Raisulwaasraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay soo magacaabay 60 wasiir taas oo khilaaf ka dhex abuurtay xildhibaanada DFS .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online