Ra’iisul Wasaaraha DFS oo dib u eegis ku sameyn doona Golahiisa Xukuumadda

January 16, 2015 - Written by Editor

cumar_cabdirashiid_jpg2Muqdisho:-Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu qoraal codsi ah u diray gudoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Sh Cismaan Jawaari wuxuuna ka codsaday in 14 cisho la siiiyo si uu dib u eegis ugu sameeyo Golahiisa Xukuumadda ee uu dhawaan uu soo dhisay.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareed ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa sheegaya in maalinta birito ah uu gudoomiyaha baarlamaanka uu ka hor akhrin doono golaha Shacabka codsiga R/W Sharmaarke.

Ilo wareedka aan xogta ka helnay caawa ayaa sidoo kale noo sheegay in Ra’iisulwasaare Sharmaarke la filayo in uusan maalinta birito ah uusan hortagi doonin golaha Baarlamaanka ee DFS.

Kulan albaabada u xiran yihiin ayaa wuxuu caawa ku dhex maray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ,Ra’iisulwasaare Sharmaarke iyo Gudoomiyaha golaha baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari .

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ay isku raaceen in xukuumada dib u eegis lagu sameeyo jagooyinka wasiirada qaarkood.

Xildhibaanada DFS ayaa diiday oo buuq ka keenay qaar ka mid ah wasiirada uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Sharmaarke waxaana ka mid ah Wasaarada Cadaalada ,Wasaarada Arrimaha Gudaha .Wasaaraha Amniga ,iyo Wasaarada Maaliyada oo dhamaantood ka mid ahaa xukuumaddii hore ee Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sh axmed.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online