Ra’iisul wasaaraha DFS oo soo xiray shirkii 53-aad ee Wasiiradda arrimaha dibadda ee IGAD.[Masawiro]

January 10, 2015 - Written by Editor

14Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta soo xiray shirka aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibedda dalalka IGAD oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in shirkani fursad muhiim ah u yahay Soomaaliya oo markale dib usoo ceshatay sumacadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka gaar ahaan dalalka IGAD.

Mudane Cumar C/rashiid, ayaa ku tilmaamay Dowlada Soomaaliya in ay diiradda saarayso ka miro dhalinta hiigsiga 2016, waxa kastana loo kala horumarin doona sida ay u kala mudan yihiin oo ay ugu horreeyaan xoreynta iyo nabad kusoo dabaallidda dalka, Siyaasad xasilan oo ay ka qayb galaan qabaha kala duwan ee bulshada, hilidda daryeel caafimaad, waxabarasho iyo dhiirigalinta ganacsiga si uu sal dhig ugu noqdo hormarinta dhaqaalaha.

“Waxaana asaaska u dhigaynaa sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd 2016, anagoo kaashanayna beesha caalamka. War murtiyeedkii ka soo baxay shirkaan wuxuu xoojinayaa balanqaadkeena ku aadan arigtada 2016, xoojinta nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo qaabaynta xasilinta dalka si loo helo Soomaaliya oo nabada ah” ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas ku daray in Xukuumadda uu soo dhisi doono muhiimadda siin doonto, dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka, dhamaystirka nidaamka federaalka, iyo in dalka la gaarsiiyo in qof kasta helo fursad uu wax ku doorto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda uu dhisi doono ay horyaalaan arrimo muhiim ah oo dalka looga saarayo marxalada uu ku jiro, isagoona sheegay in si dhaqso ah u soo magacaabayo Golaha Wasiirrada kuwaas oo noqon doono kuwa leh khibrad maamul oo fulin kara howlaha dowladda horyaala.

“Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay dadaal u gali doontaa sidii loo heli lahaa wadatashi iyo isfaham dhex mara madaxda qaranka, tani waxay awood noo siinaysaa inay xukuumadu ku shaqayso siyaasad xasiloon, taas oo abuuri karta wada shaqayn dhex marta dhamaan qaybaha kala duwan ee dowladda, waxayna horseedi kartaa in la hanto kalsoonida shacabka”ayuu yiri Ra’uusul Wasaaruhu.

RW Cumar, ayaa ugu danbeyntii xusay si arimahaan guul looga gaaro loo bahan yahay taageero iyo garab istaaga bulshada caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada IGAD.

Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho uu shirkani marti galisay ay qeyb ka tahay sida looga miro dhaliyey balanqaadkii dowladda iyo taageeradii ay siiyeen dowladaha IGAD dalka Soomaaliya xili dagaallo lagula jiro kooxaha nabad diidka ah.

no images were found

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online