Baarlamaanka DFS oo saaka loo qeybiyey qoraal uu R/wasaaraha dib u eegis ug samaynayo Xukumaddiisa
January 17, 2015 - Written by EditorMuqdisho:- Waxaa saaka si rasmi ah loogu qaybinayaa Golaha Baarlamaanka ee DFS qoraalkii uu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake uu dib u eegis ug samaynayo Xukumaddii uu dhawaan soo dhisay
Raiisul wasaaraha xukuumadda dowlada federaalka Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dib ula noqday golahii xukuumadda xalay. Xildhibaanada DFS ayaa loo qeybiyey warqad qoraal ah oo ay ku qoran tahay in Raisulwasaaraha DFS uu dib-u-eegis ku samaynayo Golihiisa Wasiirrada.
Halgan.net ayaa xalay ilo wareed lagu kalsoon yahay ka heshay in Ra’ iisulwaasaraha uu dib u eegis ku sameyn doono golahiisa wasiirada waxaana dib u eegis lagu sameyn doonaan wasaaradaha Cadaalada, Arimaha gudaha ,Amniga iyo Wasaarada Maaliyada
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda dowlada federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka ayaa ka codsaday golaha baarlamaanka in 14 maalmood la siiyo si uu dib-u-eegis ugu sameeyo dhismaha xukuumadiisa.
A/Cawale
Halgan.net