Raisulwasaaraha DFS oo cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Hotel SYL

January 22, 2015 - Written by Editor

cumar_cabdirashiid_jpg2Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday maanta Hotel SYL, wuxuna tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay, isagoo alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo.

“Waxaan canbaaraynayaa weerarkan waxashnimada ah ee lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Waa dhaqankii lagu yaqaanay nabad-diidka waqtigiisu dhamaaday ee muddo dhibataynayey dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar waxana uu raaciyey.

“Weerarkan waxaa lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaarowga soo dhaweynta Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga , sidaa awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, weerarada noocan ah marnaba qaranka Soomaaliyeed ka kama leexinayaan waddada horumarka iyo dawladnimada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

—DHAMMAAD—–
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online