Ra’iisulwasaaraha DFS oo la filayo in uu caawa ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.
January 11, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke la filayo in uu caawa ku dhawaaqo golihiisa wasiirada. Waxaana haatan ka socda xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Raisulwasaaraha diyaargarow si loogu dhawaaqo golaha wasiirada ee DFS.
Ilo wareed ku dhow Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa noo xaqiijiyey in inta badan wasiiradii ugu muhiimsanaa xukuumadii hore ee C/weli Maxamed ay ku jiraan liiska cusub ee Golaha Wasiirada.
Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa la sugayaa in uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada ee DFS saacadaha soo socda.
A/Cawale
Halgan.net