R/Wasaaraha DFS ayaa la kulmay safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya.[Cod/Masawiro]

January 19, 2015 - Written by Editor

unnamed-1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka, ayaa kulankooda uga hadlay arimo muhiim ah oo ka qayb qaadanaya xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana kamid ah dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo gacan siinta adeegyada bulshada, la dagaalanka Burcad-badeedka. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah arimaha amniga,dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani waxaa uu isgarab taagay Soomaaliya xiligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xoogani ka jireen dalka Soomaaliya. Waxaana ay naga taageeri doonaan xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta, danjire Mohamed Al-Cutmani ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageerada Soomaaliya oo xiligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

“Waxaan diyaar u nahay isgarab taaga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska.” Ayuu yiri danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo isbada joog ah la qaadanayay qaar kamid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, sida Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Sweden, Wakiillka QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Midowga Africa.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha DFS Ridwaan oo la hadlay saxaafadda

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/m8fd6eoymm/ridwaan.mp3]

—DHAMMAAD–
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W

 

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online