R/wasaare Sharma’arke oo soo dhaweeyay go’aankii Golaha Shacabka ku aqbaleen codsigiisa

January 17, 2015 - Written by Editor

sharmMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay mudanayaasha Baarlamaan ka Soomaaliya ku aqbaleen codsigiisii 16/01/2015 ee dib ula noqshada magacaabidda Xubnaha Gollaha Wasiirada cusub, isagoo qadarinaya dareenka iyo shucuubta Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo talooyinka guud ee ka soo gaaray bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu dib ula noqonayo magaacabista golaha wasiirada, isagoona timaalmay in uu ahaa go’aan geesinimo leh, oo ka turjumaya danta qaranka iyo muujinta xasilooni siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay in uu go’aansaday in dib-u-eegis ku sameeyo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay 12-kii Januray 2015. Isagoo dareensan muhiimadda ay leedahay in tixgalin gaar ah la siiyo afkaarta kala duwan ee Xildhibaanada kadibna uu soo bandhigi doono Xukuumad hanan karta kalsoonida baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan tixgelin siiyay talada Xildhibaanda ee ku aaddan golihii aan soo magacaabay, waxaan ku sameeyay dib-u-eegis go’aankii aan ku magacaabay xubnaha golaha wasiirada. Waxaan soo dhisayaa xukuumad aan wadatashi ballaaran kala sameeyn doono madaxda qaranka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaan mudnaanta siinayaa danta guud ee qaranka, waana midda kaliya ee lagu xaqiijin karo in dalka la gaariisyo hiigsiga 2016” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke. “Xukuumada aan soo dhisayo waa mid looga fadhiyo in ay gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed adeegyada waxbarashada, caafimaadka, sugidda amniga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo xasilinta dhaqaalaha dalka. Waxaa shaqada sii wadaya golihii hore inta lasoo dhisayo Xukuumad badasha si howlihii socday hakad u gelin” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid waxaa uu muddada 14-ka maalmood ee baarlamanku ay ka aqbaleen uu ku dhaqaaqi doonaa wadatashiyada si loo dhiso Xukuumad kasban karta taageerada iyo kalsoonida Golaha Shacabka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online