Safarkii Maamulka iyo Culimada Al-Minhaaj ee Degmada Galdogob iyo Cagaaran [Masawiro].

January 13, 2015 - Written by Editor

IMG-20150113-WA0010Bursaalax:-Maamulka Al-minhaaj iyo culimada ayaa mudo 3 cisho ah waxaa ay ku sugnaayeen deegaano dhowr ah oo hoos taga Degmooyinka Gal-dogob iyo Cagaaran iyo Kalabayr halkaas oo ay socdaal dacwo ku gaareen. Culumada Socdaalka Dacwo ku marayey deegaanada hoos taga Degmada Galdogob iyo Cagaaran ayaa waxaa muxaadaraad ay ka jeedsheen  degmada Galdogob waxaana jeediyey Sh.Maxamed Axmed Dabiix wuxuuna ka hadlay farida wanaaga iyo reedida xumanta  waxaana muxaadarada ka dib ay culumada ka jawaabeen su,aalo ay dadweynaha weydiiyeen.

Culumada ayaa intii ay ku sugnaayeen Degmada Galdogob waxay kulamo gooni gooni ah la qaateen  ducaada ,Odayaasha dhaqanka ,ardayda ,golayaasha Mu’asasada Al-Minhaaj , intaasi ka dib ayaa culimadu waxay isu qaybiyeen laba aag oo kala ah tuulada Daarasalaam iyo riig oomane iyo qola aaday Cagaaran iyo Kalabayr labada wafdiba waxay usoo wada hoydeen habeen kii xalay magaalada Bursaalax oo hoostagta degmada Galdogob.

Culumada ayaa waxay tawjiihaad kala duwan u jeediyeen  odayaasha , ardayda Macaahida iyo kuwa iskuulada Degmada.

Culumada ayaa waxaa xusid Mudan in safarkii shalay ay culimadu ku xaliyen khilaaf ka jiray tuulada Kalabayr iyo Bursaalax khilaaf u dhexeeey  beelo walaalo ah oo oodwadaag ah.

no images were found

Culumada Socdaalka Dacwo ku maray   Dagmooyinka Galdogob iyo Cagaaran ayaa waxay kala yihiin

1-Sh.Maxamed Macalin

2-Sh.Maxamed Axmed Dabiix

3-Sh.Sahal Bare Ciid

4-Gudoomiayaha Al-minhaaj Maxamed Cabdulaahi .

5-Gudoomiye ku xigeenka Alminhaaj Ciise Siciid.

6-Sh. Axmed Dheeli  Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj ee Galdogob.

Mu’asasada Al-Minhaaj
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online