Safarkii Madaxweynaha Turkiga Erdogan ee Soomaaliya oo dib u dhacday
January 23, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Da”ud Aweys oo goor dhow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safarkii uu maanta uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu dib u dhac ku yimid.
Afhayeenka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Da”ud Aweys ayaa xusay in db u dhac ku yimid imaanshaha magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ay sabab u tahay geerida ku timid xalay Boqorkii dalka Sacuudiga Boqor Cabdalle Bin Cabdil Casiis isagoo xusay in safarka Madaxweynaha Turkiga ee Soomaaliya dib laga soo sheegi doono.
Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa lagu waday in maanta oo jimco ah uu soo gaaro Magaalada Muqdisho iyadoo diyaar garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo ay wadeen madaxda ugu saraysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin waqtiga Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyib Erdogan uu safar ku imaan doono caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net