Safiirka Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya oo booqasho ku tegay Puntland.[Masawiro]

January 15, 2015 - Written by Editor

IMG_0080Garoowe:-Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland soo gaaray wefti balaaran oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Imaaradka Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane. Mohamed Al-Cutmani, weftigaas oo markii ay soo gaareen magaalada Garoowe loo gelbiyey qasriga madaxtooyada ee Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa gegida diyaarahada ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland , saraakil katirsan madaxtooyada Puntland iyo sidookale masuuliyiin kale.

Ka dib markii ay soo gaareen qasriga madaxtooyada ayaa safiirka iyo wafdiga la socday waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dawlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas, halkaasi oo kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Dawladda Puntland safiirka dawlada Emaardka carabta ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka dawlada Emaaraadka ayaa kulankoodii kadib waxaa ay si wada jir ah uqabteen war murtiyeed ay kaga waramayaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

” Waxaa farxad weyn noo ah in maanta uu noo yimaado safiirka dawladda imaaraadka u fadhiya soomaaliya Ambassador Mohamed Al-Cutmani iyo saaxibadiis oo noogu yimi in aanu ka wada hadalno xiriirka Puntland iyo imaaraadka iyo fulinta mashaariic badan oo Puntland laga hirgelinayo”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ambassador Mohamed Al-Cutmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loogu sameeyay Puntland, isagoona sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan Puntland uga fulinayaan mashaariic horumarineed oo ay sanadkan cusub ee 2015 ugu talagaleen Puntland.

Xiriirka saaxiibtinimo ee hada u dhaxeeya Dawladdaha Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa hada waxaa uu maraya meeshii ugu saraysay, waxaana arrintaasi si weyn uga shaqeeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u heelan horumarinta Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

Emai :plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online