Saraakiil ka socda UNPD oo la kulmay gudoonka Baarlamaanka Puntland.[Cod/Masawiro].
January 20, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntand kulan gaar ah ku wada yeeshay gudoonka sare ee Baarlamaanka dowladda Puntland iyo saraakiil ka socda Hay’adda hormarinta mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay UNDP, kulakaan oo ay ka horeeyey kulan kale oo hore ayaa waxaa laga wada hadlay siddii Baarlamaanka dowladda Puntland loogu taageeri lahaa Khubaro ka taageerta dhinac dhaqaalaha , sharci dejinta iyo xeer hoosaadyadda arrinkaas oo ay codsadeen hogaanka sare ee Baarlamaanka Puntland.
Xoghayaha guud ee Baarlamaanka dowladda Puntland Cali Axmed Dhahar oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu uga waramay arrimaha ay kala hadleen saraakiishii ka socda Hay’adda hormarinta mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay UNDP iyo waxyaabih ilaa hadda qabsoomay ama lagu gudo jiro in la dhamaystiro sanadkaa 2015-ka.
Xoghayaha guud ee Baarlamaanka dowladda Puntland Cali Axmed Dhahar ayaa xusay in dhamaan howlihi horimarineed ama waxqabad ee sanadkaan 2015 la diyaariyey si wanaag san looga dooday waxaan hadda soo gabagaboobay wajigiisi saddexaad iyadoo wajiga afaraad ugu danbeeya la soo afmeeri doono bishaan January 2015 dhamaadkeeda.
no images were found
Hoos ka dhagayso Cali Axmed Dhahar oo la hadlay idacadda SBC ee magaalada Garoowe
[audio: http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2015/01/Kulan-Growe.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net